Suuqa Kale Iibsiga: Manchester City Oo Dalab Qaali Ah Ka Gudbineysa Daafaca Bayern Munchen Ee David Alaba

Xidiga boosaska iyo dhaslashooyinka badan ee David Alaba ayaa laga doonaya garoonka City Of Manchester Stadium ee galbeedka England iyadoo macalin Pep Guardiola uu doonayo inuu la midoobo xidigaan ree Austria.

Alaba oo ay iska dhaleen hooyo Philipines ah iyo aabe Nigerian ah ayaa ku dhashay dalka Austria wuxuuna tan iyo 15 jirkiisii qeyb ka yahay kooxda koowaad ee Bayern Munchen isagoo mudo sideed sano ah uu kooxdaasi u ciyaarayay kaga ciyaaray booskas daafaca bidix, daafac dhexe, khadka dhexe ee burburiyaha, khadka dhexe ee no.8 iyo waliba garabka weerar ee 11.

Sida ay qoreyso Daily Mirror, macalin Pep Guardiola ayaa doonaya inuu daafacaan kula midoobo Etihad isagoo diyaar ula ah kooxdiisi hore lacag dhan £4o milyan oo pound.
City ayaana ka ceebsan lacag ka bixinta daafacyo qaali ah iyagoo lacag ka badan £100 milyan oo pound ka soo bixiyay Mangala, Otamendi iyo John Stones.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *