Search

Suldaan Wabar Oo Saacadaha Soo Socda Jabuuti Ka Duulaya, Kooxdiisii Oo La Ciidamaynayo Iyo Dadaalkii C/raxmaan Aw Cali Faarax

Kulamo Saddex-Geesood Ah Oo Muddo U Socday Xukuumadda, Odayaal Reer Awdal Ah Iyo S.Wabar Oo Ku Dhammaaday Guul Nabadeed

Boorama (Foore)- Suldaan Abaa-bakar Cilmi Wabar oo in muddo ah dibad wareeg ahaa kana soo horjeeday qaranimada Somaliland ayaa la sheegay in uu saacadaha soo socda gabi ahaanba dalka ka baxayo isaga oo la filayo in uu ka dhoofo waddanka Jabuuti ugana sii gudbo waddanka Maraykanka oo uu dhalashadiisa haysto iyada oo wararku sheegayaan in arrinka Suldaankan Falaagoobay uu maalmihii ugu dambeeyey caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama u joogay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo xukuumaddu ku xoojisay odayaasha Dhaqan ee Gobolka Awdal oo muddoba ku hawlanaa in Mashruuca Suldaan Wabar la soo gabagabeeyo horena ay Madaxweynaha isaga arkeen.
Bixitaanka Suldaan Wabar oo maalmihii ugu dambeeyey la filayay in mashruuciisu soo dhammaado ayaa la sheegay in ay ka dambaysay kulamo iyo wada hadalo in muddo ah soo socday oo u dhaxeeyey xukuumadda Somaliland, odayaasha dhaqanka ee reer Boorama iyo waliba xubno Aqoonyahan ah oo madax bannaan kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd sidii xal kama dambays ah looga gaadhi lahaa qaddiyadda Suldaan Wabar oo muddo badan wax garadka reer Awdal ka arrinsanayeen aakhirkiiina keentay in mashruucaasi gabi ahaanba la soo xidho wakhtigan.
Warar xog-ogaal ah oo Wargeyska Foore ka helay ilo ku dhawdhaw golaha dhaqan ee Gobolka Awdal ayaa tibaaxaya in Suldaan Wabar ugu dambayn ku qancay in uu joojiyo qorshihii uu buuraha ku galay kadib kulamo dhawaan dhex maray odayaasha dhaqanka ee reer Awdal iyo Madaxweyne Siilaanyo, kulankaasi oo daba socday kulamo hore oo xidhiidh ahaa oo ay odayaasha dhaqanku hore ula yeesheen Suldaan Wabar.
Wararka aanu ka helayno magaalada Boorama ayaa tibaaxaya in badiba kooxdii Suldaan Wabar labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku soo xeroodeen Magaalada Boorama iyada oo uu ka odayeynayay arrinkaasi Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyada oo la filayo in kooxda Suldaan Wabar intooda maleeshiyaadka ah la qarameeyo oo ay ka mid noqdaan ciidamada dalka. Kuwaasi oo tiradooda illaa hadda lagu sheegay illaa 70 xubnood. Huteel Rays ee Magaalada Boorama ayaa darraad xubno ka mid ah kooxdan lagu soo dhaweeyey iyada oo ay xukuumaddu dusha kala socotay maadaama cafis loo fidiyey oo aanay jirin cid daba socotay ama qabanaysay. Waxaana kulankaasi lagu naaqishay qaabkii xubnaha dhibooga ah ee Suldaan Wabar loo qaramayn lahaa iyada oo uu goob-joog ka ahaa Mujaahid Cabdiraxmaanm Aw Cali Faarax.
Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa la sheegay in uu ku qanci waayay in uu isu soo dhiibo xukuumadda Somaliland isaga oo doortay odayaashana ku war geliyey in uu dalka isaga baxayo kuna laaban doono Maraykanka, waxaana la filayay in uu ka dhoofo Addis Ababa balse waxa markii dambe soo baxay warar sheegaya in uu Jabuuti ka ambabixi doono saacadaha soo socda.
Arrinka Suldaan Wabar ayaa la sheegayaa in uu cimrigiisa soo gaabiyey saluug badan oo ay beelaha reer Awdal ka muujiyeen qorshaha dagaal ee Suldaanku kalidii qaatay oo in badan dood ka dhex dhalisay beelaha Awdal, gudo iyo dibadba, iyada oo kulan dhawaan reer Awdal uga qabsoomay Woqooyiga Ameerika la iskula qaatay in halganka Suldaan Wabar aanu ahayn mid qorshe ahaan ay ku qanacsan yihiin beelaha reer Awdal oo ahaa kuwii bud-dhigga u ahaa dhismaha Somaliland sidaa darteedna ay iskula qaateen in Suldaanka la soo xereeyo dhammaan wixii tabasho ah ee ay qabaan reer Awdalna lagu gaadho qorshe talo iyo wada tashi ah iyada oo aan cidna loo daba fadhiisanayn xaqa iyo ququuqda reer Awdal ku leeyihiin Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *