Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo Dahir Rayale ku eedeeyay Burburinta Xisbiga Udub

Hargeysa(Foore)-Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo ka mid ah salaadiintawaaweyeedalka,ayaa Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay inuu wado burburinta xisbiga dhexdiisa.Suldaanku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa.

Suldaanku wuxuu ku dooday in shuruuda lacagta lagu xidhay murashixiinta xisbiga UDUB uu hindisihiisa lahaa Cali Maxamed Waran-cadde, waxaanu yidhi “Waxa dhacday markii xisbiga UDUB iskugu yimid ee kusimaha Guddoomiyuhu u qabtay shirkii gudida fulinta go’aamadii ka soo baxay waxay noqdeen ninkii murashax madaxweyne doonayaa inuu lacag kayd ah oo 300 oo kun oo dollar ah keeno, arrintaasna soo jeedinteeda waxa iska lahaa sida la sheegayo Cali Maxamed Waran-cadde. Markaa anigu waxaan leeyahay dhibaatada iyo khilaafka ka soo baxay xisbiga, waxa ka muuqda in Daahir Rayaale burburin wado.”

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir wuxuu sheegay in Guddoomiyaha UDUB uu wado isku dhufashada xisbiga gudihiisa, waxaanu yidhi “Sababta la leeyahay email ayuu u soo diray Axmed Yuusuf Yaasiin emailka marka kombuyuutarkaagu furan yahay waad arki kartaa, laakiin markaad Kombuyuutarka xidho email-ka wakhtiga aad furto laba ama sadex cisho ka bacdi ayaad arki kartaa.taasi waxa weeye Daahir ma bakhaylnimo ayaa ku kalftay waayo wuu haystay Telefoono inuu la soo hadlo ayaa ka qurux badnayd , wax sanaati jooga in la lexjeclaysto ma aha. Laakiin waxaan u arkaa in email-kaasi isku dhufasho xisbiga gudihiisa ah inay talladeedu ahayd.”

Suldaan Maxamed wuxuu ku dooday in aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen uu buuxiyay shuruudihii laga doonayay murashaxiinta xisbiga UDUB, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Jamaal Cali Xuseen isagaa bixiyay wixii murashaxnimadiisa shuruud ah ee lagu xidhay markii hore ee Daahir Rayaale madaxweynaha ahaana isagaa u yeedhay Jamaal Cali Xuseen, markii madaxweynihii hore ee Kenya uu socdaalka ku tagay Kenya waxa madaxdii iyo dadkii uu kula kulmay u diyaariyay Jamaal Cali Xuseen, maalintaasi ayuu ku yidhi soo gal xisbiga si aad hadhow murashax uga noqoto.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *