Search

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Muuse Biixi Ku Tilmaamay Askari Hore Loo Eeday,Uguna Baaqay Golaha Dhexe Kulmiye Inay Doortaan Maxamed Biixi Oo Uu Aqoontiisa Amaanay.

“Xukun Askari Siyaad Barre Ayaa Inoogu Dambeeyay, Dooni Mayno Askari Dambe,Askari Khayr Nooma Sido,” Suldaan Maxamed Cabdiqaadir
Hargeysa(Foore) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa taageero weyn u muujiyay musharaxnimada Kulmiye ee Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,halka uu Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Calaamad Su’aal galiyay musharaxnimadiisa,islamarkaana uu ku ganay weedho diidmo ah,waxa uu sheegay inaanay Somaliland u baahnayn Askari hogaanka dalka loo dhiibo, isagoo sheegay in taasi hore loo soo tijaabiyay oo la eeday.
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka mid ahaa salaadiintii soo dhaweysay Shalay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis islamarkaana ah Musharax u loolamaya Booska Madaxweynaha Xisbiga kulmiye Siilaanyo Dabadii. Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa ugu horayn ka hadlay soo dhawynta Wasiirka,waxa kale oo uu fariin u diray Gudoomiyaha KULMIYE isagoo sheegay inaanu dalkani u baahnayn Askari,isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Dhammaan dadweynaha halkan iskugu yimid waxay soo dhaweynayaan wasiirka arrimaha dibadda ahna musharaxa madaxweynaha mustaqbalka.Illaahay waxaan uga baryayaa inuu ku guulaysto. Midna waan idiin sheegayaa, xukun askari Siyaad Barre ayaa inoogu dambeeyay, dooni mayno askari dambe. Askari khayr nooma leh. Ninku hadduu askari soo maro wuxuun buu moodayaa inuu ciidankii hor joogo oo digtoonow uun buu nafta kaaga saarayaa,” ayuu yidhi Suldaanku.
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Laakiinse, waxaan leeyahay Maxamed Biixi Yoonis waa nin aqoon yahan ah. Waa nin hawl kar ah, wax badana soo qabtay, oo diblamaasiyaddii Somalia iyo tan Somaliland intaba wax ka soo qabtay, waana nin reer Awaare ah oo isku degaan baanu nahay. Waa nin arday sida wax loo baro iyo macalinnimana soo maray.”
Suldaanku wuxuu sheegay inay ka Salaadiin ahaan aanay cid gaar ah taageerayn si aan looga caban “ Illaahay baa og cid guulaysanaysa laakiinse annagu dhex baanu nahay si aan nalooga caban oo loo odhan Suldaanku kanna wuu taageerayay kana wuu ridayay,” ayuu yidhi Suldaanku.
Waxa uu farriin u diray Suldaanku dadka wax dooranaya “Waxaan leeyahay dad yahow indhaad leedihiin, dhegaad leedihiin, aqoon baad leedihiin ee cidii dalka wadi karaysa ha loo codeeyo sida Maxamed Biixi Yoonis oo kale. Waa nin aqoon yahan ah, taariikhda umaddana aad looga yaqaan. Qoladiina golaha dhexe dadaal badan sameeya si aad xisbiga dhidibadiisa u adkaysaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *