Search

Suld. Xasan S. Cabdilaahi Oo Suld. Maxamed Cabdiqaadir Ku Tilmaamay Nin Riyo Ku Jira Oo Gef Umadda Ka Galay Balse Aanay Cidi Dhegaysanayn

“Shakhsi Riyoonayaa Waxba Kama Badali Karo Masiirka Qarankan Dhiigga Iyo Halganka Ku Yimid, Suldaankana Waxaan Leeyahay Madi Baad Ku Tahay Fekerkaa”… Suld. Xasan

Hargeysa (Foore)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa si ba’an u dhaliilay hadalkii ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee beesha Ciidagale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ku baaqay dhawaan in uu ka shaqayn doono sidii uu Somaliland ugu fidin lahaa mabda’a Somaali weyn wakhti uu ka soo laabtay casuumad uu ka helay boqorka Beelaha Daarood oo uu muddo ugu maqanaa maamul Goboleedka Soomaaliya ee Garoowe.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa uu hadalka Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ku tilmaamay wax aad loola yaabbo isaga oo ku sheegay hadal ka dhacay oo gef ah oo aan macno lahayn umaddana waxba u soo kordhinayn isaga oo ugu baaqay in uu ilaashado sharafta Suldaanimo ee uu huwan yahay isaga oo Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan sheegay in hadalkaasi yahay mid hawaawi ah oo aanay cidina ka dhagaysanayn, isaga oo qaranimada Somaliland ku tilmaamay wax aan hawo iyo laab lakac ku iman ee ay tahay wax dhiig iyo halgan umadeed ku yimid. Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu sidan ku sheegay qoraan kooban oo uu xalay ku faafiyey degelka uu ku leeyahay mareegta caanka ah ee Facebook isaga oo daba socday hadalkii aadka loola yaabay ee ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaanu qoraalka Suldaan Xasan oo dhammays tirnaa u dhignaa sidan: “Hibo Eebe Ku saaray Habeen Layskama Qaado. Gefbay ku tahay Suldaanku Hubsiimo la’aan Hadalkiisu Hawaawi Dhaco. Waa nasiib daro weyn oo khaas ku ah walaalkay Suldan Maxamed Suldan Cabdiqaadir Oon Xadhigiisa ahay tiraabtan kasoo yeedhay ee lidka ku ah gobonimada iyo qaranimada jsland waa feker uu madi ku yahay shaqsiyeed oon cid ka dhageysanaysaa jirin in go’aan umadeed oo masiiri ah gef uu kula dul kufo iyo riyo dhalanteeda oon cago ku taagnayn. Guud ahaan iskusoo wada xoori hadalkiisu waa hawo gabal ka dhac waa hadal ka jilicsan xuub caaro jawaabna u baahnayn isla mar ahaantaana kuba haboonayn in aynu wakhti isaga lumino ku mashquulo wax kasoo qaadno asaga laftiisaa og in aan xaajadaasi dalkani oolin cid kula riyoonaysaana joogin ama ku uunayn Runta biyo kama dhibcaanka ahi tahay in qarankani siqiir iyo kabiir Raasamalka aynu haynaa yahay gobonimada eebe ku galladay gayigan ee dawladnimadaa aynu hadhsanayno. Haddii aan murtiyeeyo waaqaca yaalla dalkani waa Somaliland shaqsi riyoonaya hadal uu ku tiraabay waxba mayeeli karo masiirka umadda haduu madaxweyne yahay iyo haduu suldaan yahayba goaan shacab rabitan umaded oon gorgortan lahaynbaa dalkani kaga badbaaday masaaibkaa somaliya bariidsaday waa dal shacabkiisu u tashaday ninkii aanu u cuntamayn waxa umadiisa u cuntamay isagaa cirka roob ku og. Gabogabo waxaan shacabka reer somali land kuboorinayaa inaanay damaqsan suldan maxedna waxaan leeyahay usoo noqo dalkaaga iyo dadkaaga xishmada kuu haya soo baydh oo raali galin ka bixi hadaladaa ibliisku kaa keenay Fiiro Gaara dadweynaha reer somali land waxaan kula dardaarmayaa inaan lasii wadwadin maadama aan qarankan doodi ka taagnayn oo dedaal iyo karti iyo ta alle aynu kusoo gaadhnay halka aynu joogno waajibna tahay inaynu kasii horu marino Waxaan hoosta ka xariiqayaa waa waajib in xaqa la sheego oon laga aamusin anigoo xishmad u haya guud ahaanba umada reer Somaliland hiilbay utahay qofka jarka ka dhacaya in khaladkiisa latuso sixidbay u tahay marka farta lagu fiiqo gefka umadeed ee uu faraha kula jiro si looga waantobo in si jilicsan loogu dhaco deelqaaf umadeed casharna u noqoto cid danbe oo ku kacda gef fal danbiyed ku ah umadiisa waxaan kusoo ururinayaa xadiiskii nabiga csw walaalkaa laba goorba u hiili haduu gar daranyay u hiili oo qabo hadii laga gar daranyayna u hiili oo garab joogso” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *