Search

Sucuudiga Oo Xaaraan Ku Tilmaamay 50 Magac Oo Ka Mid Ah Kuwa Ubadka Loo Bixiyo Oo Ay Ku Jiraan Magacyo Soomaalidu Aad U Isticmaashaa

Wakaaladda Arrimaha Qoyska ee hoos timaadda Wasaaradda Daakhiliga waddanka Sucuudiga ayaa soo saartay amar ku socda dhammaan waalidiinta dalkaasi iyo dunida muslimkaba amarkaasi oo ay ku sheegeen mid loo eegay shareecada islaamka oo ah in aanay 50 magac oo ka mid ah magacyada wakhtigan ubadka loo bixiyo u adeegsan magac bixinta ubadkooda yaryar taasi oo ay ku sheegeen sharci ahaan mid xaaraan ah kadib markii ay kooxo culimo ahi ka fadhiisteen liiska magacyadaasi la diiwaan geliyey oo tiradoodu dhan tahay 50. Waxa xusid mudan in qaar ka mid ah magacyadaasi ay xataa dadka Soomaalida ahi ubadkooda ula baxaan.
Sida uu ku soo warramayo telefishanka Russian Today oo warbixin ka diyaariyey arrintan ayaa sheegaya in amar ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga Sucuudigu ay muwaadiniinta dalkaasi gaar ahaan waalidiinta iyo waliba dadka kale ee dunida Muslimka ahba uga digeen isticmaalka iyo u magac bixinta liis ay ku soo taxeen 50 magac oo ay ku sheegeen in markii la daraaseeyey ee lagu eegay aragti islaami ah lagu ogaaday in aanay sharci ahaan bannaanayn in magacyadaasi 50-ka ah ubadka loo baxo. Magacyadan waxa ka mid ah Cabdi-rasuul, Cabdi-naasir, Cabdi-nabi, Cabdi-caadi, Jibriil, Malika, Mamlaka, Iimaan, Bayaan, Loran, Sumuwu, Amiir, Laariin, Binyamiin, Naariis, Yara iyo Sitaaf.
Ma aha markii koowaad ee Wasaaradda Daakhiligu gaar ahaan Wakaaladda Arrimaha Qoysku ay soo saaraan magacyo ay sheegeen in aan ubadka loola bixin balse tani waxa ay noqonaysaa liiskii ugu dheeraa ee magacyo ah oo ay ku sheegeen in ay xaaraam sharci tahay in ubadka loola baxo. Magacyada Soomaalidu la baxdo qaar ka mid ah oo liiskan ku jira ayaa waxa ka mid ah: Cabdinaasir, Abraar, Jibriil iyo Amiir oo ah magacyo aynu wiilasha ula baxno aadna u caan ah halka ay magacyada Iimaan, Amiira, Linda, Randa iyo Bayaan ka mid yihiin magacyada Soomaalidu hablaha ula baxdo ee liiskan ku jira.
50-ka Magac Ee Sucuudigu Ka Digay Waxa Ay Kala Yihiin:
Malaak, Cabdil-caadi, Cabdi-naasir, Cabdil-muslix, Nabi, Nabiya, Amiir, Sumuwu, Mamlaka, Malika, Almamlaka, Tabaarak, Nardiin, Maaya, Linda, Randa, Basmala, Tolin, Aram, Naariij, Rataal, Sandi, Raama, Taaliin, Iilaan, Alaas, Iinaar, Loran, Malkatiina, Laariin, Kabriyaal, Looriin, Binyamin, Naariis, Yaara, Siitaaf, Iiliin, Boland, Tiilaaf, Barra, Cabdi-nabi, Cabdi-rasuul, Jibriil, Cabdi-maciin, Abraar, Malaak, Iimaan, Bayaan, Basiil iyo Riilaam.
Arrinkan ayaa walaac weyn ka abuuray shacabka reer Sucuudi oo inta badan magacyadan si weyn ula baxa. Tusaale ahaan mid ka mid ah muwaadiniinta Sucuudiga ayaa bartiisa facebook waxa uu ku baahiyey qoraal calaacal ah oo uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay maadaama ubadkiisa oo ah saddex, dhammaan magacyadoodu ku jiraan liiskan kuwaasi oo kala ah Bayaan, Amiir iyo Iimaan. Muwaadinkan ayaa sheegay in aanu garanayn sababta magacyadani u noqdeen kuwo xaaraan ah.

Bogga Bandhigga Warsidaha FOORE




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *