BREAKING NEWS
Search

Soomaaliya Oo Yeelatay Madaxweyne Cusub Iyo Sh. Shariif Oo Qiray In Doorashada Si Caddaalad Ah Loogaga Guulaystay

Muqdisho (Foore)- Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ugu doortay madaxweynaha cusub ee dalkaasi Xasan Sh. Maxamuud, ka dib markii uu wareegii sadexaad si weyn uga adkaaday Madaxweynihii dawladii TFG-da ee wakhtigeedu dhammaaday Shariif Sh. Axmed.

Fadhigii Baarlamaanka oo ku qabtoomay Iskuulka Booliska isla markaana labaatan saacadood ku dhawaad socday waxa wareegii koowaad u tartamay 22 Murashax, waxaana wareegii koowaad ku soo baxay afartan murashax eek ala ah Shariif Axmed oo helay 64 Cod, Xasan Sh. Maxamuud oo helay 60 cod. C/weli Maxamed Cali oo helay 30 cod Iyo C/qaadir Cosoble Cali oo helay 27 cod.

Waxa tanaasulay labada murashax ee kala ahaa C/weli Maxamed Cali Iyo C/qaadir Cosoble Cali, waxaana sidaasi loogu gudbay wareegii sadexaad waxaana cod aqlabiyad ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya afarta sanadood ee soo socota Xasan Sh. Maxamuud oo aan hore ugu jirin saaxada siyaasada dalka dhibaataysan ee Soomaaliya.

“Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu helay 79 cod wareegii sadexaad ee doorashada madaxweynaha halka Xasan Sh. Maxamuud waxa uu helay 190 cod, sidaasi darteed, waxa ku guulaystay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, waxaanan Xildhibaanada uga mahad celinayaa saacadaha badan ee ay shaqeynayeen,” Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan (Jawaahiri).

Markii Guddoomiyuhu ku dhawaaqay Natiijadii doorashada waxa is gacan qaaday Madaxweynaha cusub iyo Shariifkii laga adkaaday.

Waxa TV-yada laga daalacanayay sawirka Shariif Sh. Axmed oo wajigiisu iska bedalay sidii uu ahaa wareegii hore iyo Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Soomaaliya oo dhoola-cadaynaya. Madaxweynaha cusub ayaa la sheegay inuu ahaa nin muddo ka soo shaqeynayay ururada bulshada rayidka ah. waxa fadhigan goob joog ka ahaa ergayga qarammada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahiga. Waa madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya ay ku doortaan gudaha dalka labaatankii sanadood ee uu dalkaasi ka jiray burburka iyo sharci la’aantu.

Sh. Shariif Sh. Axmed oo Mudaneyaasha la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo una hoggaansan yahay natiijada doorashada, waxa uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono oo uu Hambalyeynayo Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha cusub Xasan Sh. Maxamuud oo isla caawaba lagu hor-dhaariyay Baarlamaanka hortiisa ayaa u mahad celiyay dhammaan xubnaha Baarlamaanka, waxaanu ammaanay madaxweynihii hore oo uu xusay inuu wax badan ka qabtay dalka mudadii uu xilka hayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *