Sool: Ciidamadda Qaranka Oo Dib Uga Soo Laabtay Deegaanka Sarmaanyo Oo Ay Habeen Hore U Ruqaansadeen

Sarmaanyo (Foore)– Ciidamo ka mid ah Kuwo Milatariga Somaliland oo habeen hore u ruqaabsaday dhanka deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool, ayaa lagu soo waramayaa inay halkaasi dib uga soo laabteen.

Ciidamadda Qaranka oo Sarmaanyo ujeedo aan la ogeyn, ayaa lagu soo waramayaa inay xalaybaa halkaasi ka baxeen ka baxeen, isla-markaana dib ugu soo noqdee fadhiisimadda Ciidamadda Qaranku ku leeyihiin duleedka degmadda Xuddun ee Gobolka Sool, halkaasi oo maalmihii u dambeeyay dagaal ku dhex marayay Maleeshiyaadka Khaatumo la baxay.

Ciidamadda qaranka oo dedaal ugu jira inay deegaanada Sool ka sifeeyaan Maleeshiyaadka dhibaatada ku haya shacabka deegaankaasi, ayaa la sheegayaa inay tallaabo tallaabo ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxda Khaatumo ka waddo jiidahaasi, si looga hir-taggo wax dhibaato ah oo ay si qorshaysan u gaadhsiiyaan ciidamadda qaranka iyo danaha dawladda Somaliland ee gobolka Sool.

Ramaas kala soco wararka gobolada bariga Somaliland iyo weliba hawl-gallada nabadeed ee ciidamadda qaranka Somaliland ka waddaan Xuddun iyo deegaanada ku hareeraysan oo la doonayo in lagaga sifeeyo Maleeshiyaadka dhibaatada shacabka ku haya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *