BREAKING NEWS
Search

SONYO Oo Wacdaro Ka Muujisay Bandhigga Carwada Waxqabadka Hay’adaha Dalka Ka Hawl Gala

Hargeysa (SONYO)- Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa wacdaro ka muujisay carwada waxqabadka hay’adaha ee ka socota Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo shalay si rasmi ah loo ibo furay.

Dalladda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo dalka laga yagleeyey muddo haatan laga joogo sagaal sano ayaa carwada ku muujisay cududeeda waxqabad ee dhinaca dhallinyarada Somaliland oo ah cunsurka ugu muhiimsan bulshada.

SONYO waxa ay madasha ku soo bandhigtay sawiro, buugaag xambaarsan warixino, dhukumantiyo waaweyn oo dhammaantood muujinaya mashaariicda waaweyn ee SONYO dalka ka wado oo dhammaantood ku aadan dhallinyarada reer Somaliland dhammaanba gobolada dalka ee ay ku noolyihiin min heer tuulo ilaa heer qaran, kuwaasi oo isugu jira horumarinta, awoodaynta iyo kor u qaadka xirfadeed ee dhallinyarada Somaliland iyada oo ay waliba mashaariicdaasi ku lammaan yihiin wacyi gelin ku aadan sidii dhallinyarada Somaliland looga baanan lahaa cudurada aafeeya bulshooyinka, daroogada, khilaafaadka iyo wax kasta oo caqabad ku ah horumarka iyo taabbo galka cududa dhallinyaro.

Sidoo kale SONYO waxa ay madasha ku muujisay dadaalkii ay ka gashay u doodidda dhammaanba xuquuqaha aasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, fursadaha shaqo iyo la dagaalanka tahriibta ee ay sannadihii ugu dambeeyey sida weyn wax uga qabatay.

SONYO waxa ay madasha ku soo bandhigtay dhukumantiyo muujinaya doorkii laxaadka lahaa ee ay ka qaadatay furidda dabarkii sharci ee dhallinyarada ka hor taagnaa ka qayb galka talada dalka. Iyada oo maanta dhallinyaradu si weyn isugu soo taageen doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhawaan dalka laga filayo in ay ka qabsoonto.

Guddoomiyaha SONYO Md. Axmed Cabdi Wacays iyo Agaasimaha fulinta Md. Siciid Maxamed Axmed oo ay weheliyaan shaqaalaha xafiiska iyo xildhibaanada golaha sare ee dalladda ayaa madasha carwada ku sugnaa wakhti martida carwadan soo booqanaysaa si xad dhaaf ah u booqanayaan edegga SONYO ku leedahay ardaaga carwada lagu soo bandhigay ee badhtamaha Huteel Maansoor. Guddoomiyaha SONYO oo dareenkiisa ku aadan carwadan cabbirayaa waxa uu yidhi: “Sharaf weyn ayay noo tahay SONYO ahaan in aanu muujino adeeggii aanu dhallinyaradeena u haynay. SONYO waa madal qaran ee ma aha NGO cid gaar ahi leedahay sidaa darteed waxaanu u taaganahay danaha qarankan iyo himilooyinkiisa, waxqabadka SONYO maanta ku soo bandhigtay carwadu waxa ay ka turjumayaan dadaalada SONYO ee sagaalkii sano ee ay jirtay waxaanan dhallinyarada ugu baaqayaa in ay dadaalkooda laban laabaan oo dalkeena iyo dadkeena wax u qabanaa sida ugu muhiimsan inaga oo wax walba ka horraysiinayna danaha qaranka “National interest”.

Isu-Duwaha mashaariicda SONYO Md. Cadnaan Cabdi Xasan oo aanu wax ka waydiinay sida carwadu u socoto ayaa noo sheegay in ay si wanaagsan carwadu u socoto, SONYO-na muujisay adeegii ay u haysay dalka iyo dadka, gaar ahaan dhallinyarada. Md. Cadnaan Cabdi Xasan oo hormuud u ah shaqaalaha SONYO ee carwada ku sugan ayaa muujiyay dadaal weyn iyo in dalladdu soo bandhigto si hagar la’aan ah wixii ay dhallinyarada u qabatay iyo doorka ay ugu jirto.

Muuqaalo lagu xardhay boodhadh waaweyn ayaa ishaadu qabanayaan marka aad booqato carwada oo ay ku xardhan yihiin magacyada ururada dalladda ku bahoobay, sawirada mashaariicda SONYO ay dalka ka wado oo soddomeeyo mashruuc kor u dhaafay.

Ugu dambayn madaxa guddida dhaqaale ururinta (fundrising committee) Md. Eng. Axmed Abokor Maxamed ayaa dhammaanba xukuumadda, shacabka Somaliland ee wax haysta iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in dalladda laga caawiyo dhismaha SONYO ku hawlan tahay oo Hargeysa laga hir gelin doono, kaasi oo wax weyn ka tari doona in ay dhallinyaradu yeelato xarun ballaadhan oo ay wax kasta oo baahiyahooda la xidhiidha ka heli karaan. Dhismaha SONYO ku talo jirto in ay dhisto ayaa ka koobnaan doonta dhawr dabaq oo leh xafiisyo, hoolal waaweyn, maktabad iyo xafiisyo cilmi baadhiseed oo wax ka tari doona baahiyaha jiilka dhallinta-yar ee maanta Somaliland u taabbo galaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *