Search

SONYO Oo Hargeysa Ku Qabatay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Iyo Masuuliyiin Ka Qayb Gashay

“Ujeedada Xuskani Waa Sidii Aan Isugu Baraarujin Lahayd Arrimaha Dhallinyaradeena Somaliland” G/Xigeenka SONYO Cabdiqani Jiidhe

Hargeysa (FOORE)- Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa soo qaban qaabisay, Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysana ku qabatay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sannad walba laga xuso dunida Guudkeeda 12-ka Bishan August.
Xuska maalinta dhallinyarada adduunka oo sannad walba dunida laga xuso Bishan August 12-keeda ayay SONYO sannadkan si weyn u soo qaban qaabisay iyada oo awoodda saartay sidii loogu baraarugsanaan lahaa xaaladda dhallinyarada Somaliland ku sugan yihiin iyo sidii looga jawaabi lahaa baahiyadooda aasaasiga ah waxaana xafladda shalay Huteel Maansoor dalladdu ku qabatay ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano, Masuuliyiin dawladeed, Masuuliyiin ka socday Hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo masuuliyiinta SONYO oo uu hor kacayay Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo dhallinyaro badan.
Ugu horrayn, Cabdifataax Cabdilaahi Jaamac oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee dalladda SONYO oo madasha ka hadlay ahna sarkaalka isagu SONYO uga masuulka ah Mashruuca SYLI ee Hay’adda Mercy Corps oo iyadu xuskan SONYO ka caawisay ayaa faahfaahin ka bixiyey ka SONYO ahaan sida ay mar walba diyaarka ugu yihiin la socodka iyo ka shaqaynta xaaladda Dhallinyarada Somaliland isaga oo ka hadlay muhiimadda maalintani u leedahay dhallinyarada adduunka gaar ahaan dhallinyarada Somaliland. Cabdifataax waxa uu sheegay in xafiiska SONYO laban laabo mar walbana diyaar u yahay sidii looga midho dhalin lahaa ahdaafta SONYO u taagan tahay oo ah horumarinta dhallinyarada Somaliland.
Guddoomiye ku xigeenka dalladda SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in SONYO mar walba diyaar u tahay sidii lagu yaqaanayna ay ku hawlan tahay horumarinta iyo u doodidda dhallinyarada Somaliland isaga oo sheegay in masuuliyiinta SONYO ay ka go’an tahay in ay cod dheer ku sheegaan baahiyaha aasaasiga ah ee wakhtigan haysta dhallinyarada Somaliland ee xuska sannadkani ku soo beegmayo isaga oo ammaanay xukuumadda iyo dhammaan hay’adaha ay wada shaqaynta ka leeyihiin arrimaha dhallinyarada oo uu ugu baaqay in ay sii laban laabaan wada shaqayntooda SONYO. “Waxaan bogaadinayaa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Xuska maalinta dhallinyarada adduunka waxa innaga innaga khuseeyaa waa in aan is xasuusino oo aan ka hadallo baahiyaha iyo duruufaha u gaarka ah ee dhallinyaradeena haysta. Waxaan og nahay heerka shaqo la’aanta ah ee dhallinyarada dhibaatada weyn ku haya. Waxaan ognahay xaaladda Tahriibta iyo guud ahaan duruufaha dhallinyaradeena u gaarka ah, kuwaasi ayaan doonaynaa in aan istaraatiijiyad cad ka yeelano sidii aan wax uga qaban lahayn dhammaanteen. Dhallinyaradu waa cududda qaran leeyahay waana muhiim in aan hadh iyo habeen u taagnaannaa” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Jiidhe, Guddoomiye ku xigeenka dalladda SONYO isaga oo ammaanay.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin oo shalay ka hadlay madashii SONYO ee xuska maalinta dhallinyarada adduunka ayaa isna ka sheekeyey wada shaqaynta buuxda ee u dhaxaysa SONYO iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha isaga oo SONYO ku ammaanay dadaalkeeda ku aaddan wax ka qabashada arrimaha dhallinyarada iyo sida ay mar walba ugu baraarugsan tahay.
Axmed Cabdi Kaahin waxa uu ka hadlay doorka ka wasaarad ahaan kaga aaddan horumarinta dhallinyarada iyo sidii ay ula iman lahaayeen qorshayaal wax lagaga qabanayo baahiyaha aasaasiga ah ee dhallinyarada u gaarka ah isaga oo ka sheekeeyey dadaalkii ugu dambeeyey ee wasaaraddu ka waddo dhinacyada horumarinta iyo ciyaaraha, isaga oo xuska maalinta ku tilmaamay mid mudan in laga wada xaajoodo sidii loo midayn lahaa dadaalada lagu horumarinayo dhallinyarada.
Dhinaca kale xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ah xildhibaan da’ yar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay qarankana u leedahay in wax laga qabto arrimaha dhallinyaradu isaga oo sheegay in haddii la doonayo in qaranka Somaliland meel gaadho loo baahan yahay in dhallinyaradiisa mustaqbalka u ah laga shaqeeyo oo wax laga qabto baahiyahooda iyo duruufaha ragaadiyey sida la dagaalanta tahriibta. Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu dhallinyarada kula dardaarmay in ay waddaniyad la yimaaddaan oo dalkooda jeclaadaan kana waantoobaan qabyaaladda iyo wax kasta oo hoos u dhigaya qiyamkooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *