BREAKING NEWS
Search

Sonkorta Oo Magaalada Addis Ababa Gaadhay Meeshii Ugu Sarraysay Iyo Dadka Ku Nool Oo Walaac Ka Muujinaya.

Adis-Ababa (Foore) Wararka ka imanaya magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa sheegaya inuu qiimaha sonkortu gaadhay meel aanuu weligii gaadhin, kaas oo la sheegay in lagu kala iibsanayo suuqayada magaalada addis ababa qiime ku dhow Kiisha Boqol Dollarka Maraysakna ah.
Magaaladda Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale ka jira maceeshadda nolasha oo ah mid cidhiidh ah wallow Xukumadda Dowladda Itoobiya ay sheegtay in qiimaha Cuntadda uu hoos u dhacay.
Magaaladda Addis Ababa ayaa gabi ahaanba laga layahay Sonkarta, waxaana marka la helo ay maraysa Kiiladda Sonkarka ah 40 Bir oo Lacagta Itoobiya ah, taas oo u dhigantahay kiishku inoo gaadho 2000, oo biro o ah Boqol Dollar in ka badan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *