Search

Somaliland: Xoggogaal U Noqoshada Dulinka Innagu Dul-Nool- Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Waxaan garowsaday in aan halkan idinkula wadaago aragtida wax ka dhaadhicinta iyo dareensiinta qofka aad ka aragti-dheer tahay ama kaa aragti-dheer xaga fahanka waxa jira iyo cabirka waxa inagu soo fool leh.Moh’ed1

Qiyaasta guud ee fikirka qofka ayaa horseed u ah, inuu wax ka dareemi karo dhamaan gayiga ku xeeran, islamarkaana uu cabbirkiisaasi dhaxalsiiyo dhinaca aragtida, maqalka, dareenka, iyo xogogaal u noqoshada wararka soo gaadhaya kaydka xog ururineed ee maskaxdiisa, Haddaba qiyaasta guud, inkastoo haddana ay jiraan erayo ad-adag oo macnahoodu yara kakan yahay kuwaasoo u baahda aragti iyo sharax cilmi aqooneed oo u kala soocda garashada, fahanka iyo xaqiiqda dhabta ah ee ugaga dhex-iftiimay.

Haddaba waxa jira Dulin ku dul-nool aadamaha, kaasoo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay wax-yaabaha keena wer-werka iyo walaaca ku yimaada qofka, ka dibna waxay sababtaa in jidhku kaga jawaabo hab-kasta ama dariiqo-kasta oo uu baahi u qabo, taasoo noqota waayo-aragnimo wanaagsan ama mid xumaan ah, marka ay dadku dareemaan wax-yaabaha ka soconaya hareeraha xayndaabka ay ku xeeran yihiin, waxaanu jidhkoodu ku siidaayaa dhiiga kimikalkals (Chemicals), kuwaas oo ay dadku ka helaan Xoog iyo Tamar, waxaanay noqon kartaa mid wanaagsan waa haddii uu sababo muuqaal-khatar ah, laakiin, haddii uu noqdo ka xun, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ka ugu Xoogga iyo Tamarta baddan ee sababa jawaabaha dareenka leh.

Inkastoo aanay ka fogayn marka qofka uu ku yimaado wer-wer uu ka wer-weraayo shaqadiisa iyo qoyskiisa, haddana waxa loo tiriyaa inay ka mid tahay wax-yaabaha keen in qaab-dhismeedka qofka uu ku yimaado cabsiyaha khatarta baddan ee kiciya dareenkiisa, waxaana ka mid ah siyaabahaasi oo loo sii kala saaraa Afar nooc oo kala ah sidan: –

Wer-werka iyo Walaaca Xaaladaha Adag (Survival Stress), inkastoo ay sii kala khatar badan yihiin, balse waxa lagu macneeyaa inay tahay habka kaliyaata ee qofku xal u arko inuu Dhoofo ama uu Dagaalamo.
Wer-werka iyo Walaaca Nafeed (Internal- Stress), waxaana lagu tilmaamaa inay tahay Wer-werka nafteed ee aanad waxba ka qaban Karin.
Wer-werka iyo walaaca Deegaankaaga (Environmental Stress), waxa iyana lagu tilmaamaa inay tahay kuwa ku yimaada wax-yaabaha ay ka midka yihiin Buuqa, Cidhiidhiga iyo marka dhinaca shaqada uu culays kaagaga yimaado ama qoyskaagaba.
Iyo ta’ay keento shaqada adag ee la yidhaahdo (Fatigue and over work).
Haddaba, wax-ka barashada maantu waxay ina tusinaysaa inaynu ka dhaxalno barashada iyo fahamka in qabiilkasta oo ka mid ah Somaliland ay leeyihiin oo ay ku dhex-jiraan nooc leh, hab-Nololeedka iyo hab-dhaqanka dabeecadaha nooc ka mid ah noolayaasha ili-maqabatiga ah ee loo yaqaano dulinka, ee afka-qalaad loogu yeedho (Host ama Parasite), waxaanu ku dul-noolaadaa noolahaasi noole kale, waxa kale oo lagu sifeeyaa noolahaasi inuu faa’iido baddan u leeyahay bulshadda dhex-deeda iyo xidhiidhin-teedaba, islamarkaana uu yahay mid aan laga maarmi Karin, waxa sidoo kalena taasi bar-bar socota Wer-werka iyo Walaac uu ku keeno Aadamaha uu ku dhex-noolyahay, qabiiladda hab-dhaqankaasi leh waxa ka mid ah, sida:- Nuux-Ismaaciilka iyo Cumar-cali “SM”, Xassan-Abokorka “CM”, Nuux- Maxamedka “MA”, Muuse-Carre “SI” iyo Adan-Mataanka”DI”, Makaahiil-Makadoonka “SS” , Faarax-Garaadka “ Dh”.

Guntii iyo Gebagabadii waxaan ku soo gunnaanadi lahaa, si xal loogu hello arrimaha aynu kor ku soo sheegnay, maadaama dalkeenu aanu lahayn goobaha gaarka ah ee Rayi iyo Fikir-dhiibashadda lagaga hadlo, ee sida, (Hyde Park), kaasoo ah goobaha –fagaaraha dadku sida xorta ah ugaga hadlaan iyagoo soo bandhigaya dareenkooda, shucuurtooda, Aaraadooda iyo Fikirkooda, ay wax-weyn ka tari lahayd mushkiladaha iyo duruufaha inagu gadaaman ee hadheeyey kumanaan Rajada iyo Idiidiiladu ka xumaatay oo wax-tabanaya iyo kumanaan kale oo ku suggan dalka Somaliland.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *