BREAKING NEWS
Search

Somaliland: Kaba Tole U Dallacay Xildhibaan La Soo Doortay Kadibna Dib Ugu Noqday Kabo-tolistiisii

Hargeisa(FOORE/Tooshnews)-Nolosha aadamaha ayaa ah mid leh marxalado qaarkood ay adag yihiin, halka laga yaabo in qofka ay soo maraan marxalado nololeed oo uu mabsuud ka noqdo. Cabdi Cawl waxa uu hore u lahaa xirfad ah inuu ka shaqeeyo kabo tolista, laakiin wuxuu hore u gaadhay martabad ah inuu noqdo siyaasi ka mid ah siyaasiyiinta heer gobol ee dalkan Jamhuuriyad da Somaliland. Isaga oo muddo toban sannadood ah hawshaas ku jiray.

Cabdi Cawl waxa uu ka mid noqday golayaashii deegaanka ee u horeeyey ee dadka reer Somaliland codkooda ku soo doortaan 15-kii December ee sanadkii 2002-dii, isaga oo urur siyasadeedkii ASAD uga soo baxay golaha deegaanka ee degmada Borama. Ka hor xildhibaannimadiisa waxa xiiso leh in xirfadda shaqo Cabdi ay sidaynu kor ku sheegnay ahayd Kabo tolis ama kaboolle, hase yeeshee markii ay ka dhammaatay muddadii uu xildhibaanka ahaa waxa xusid mudan inaanu ka tegin shaqadiisii balse uu dib ugu laabtay, isaga oo muujiyey in inuu ku faraxsan yahay in uu mar kale dib ugu soo noqdo isaga oo waqti xaadirkan hawshiisii kabo tolisnimo ka haya waddooyinka magaaladda Boorama.

Halkan ka dhagayso warbixintan ay diyaarisay Idaacada Radio Hirad ee Hay’adda Free-press




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *