Somaliland Ayaa Maanta Ku Wareejisay Maamul Gobaleedka Puntland Eedaysane Ka Danbeeyay Dilkii Sheikh Cabdiqadir Nuux Faarax Ee Lagu Dilay Garoowe

Gamnadha (Foore)-Ciidanka amaanka Somaliland ayaa maanta ku wareejiyey maamul gobaleedka Puntland eedeysane ka mida ahaa dadkii wax ka maleegey dilkii Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

Sheekha ayaa Masjidka Al-Badr ee bartmaha magaalada Garowe lagu diley 15-kii February,2013 xili uu tukanayey Salaada Casar.

Ninkan oo lagu magacaabo Caynte ayaa usoo baxsadey dhinaca Somaliland maalmo ka dib dilka Sheekh cabdiqadir .
Iyadoo ay jireen wadahadal u dhexeeyay somaliland iyo puntland sidii puntland loogu dhiibi lahaa ninka lagu eedaynayo maleega dilkii sheikh cabdiqadir ayaa wadahadl dheer kadib lagu wareejiyay maamul gobaleedka puntland.

munaasibadan oo kadhacday xadka u dhexeeya Somaliland iyo puntland ayaa lagu qabtay tuulada gambadha iyadoo labada dhinacba ay kazoo qayb galeen saraakiil sarsare.

Ninkan maanta lagu wareejiayay Puntland ayaa ciidamada Somaliland ay ku qabteen magaalada Laascaanood 17,Feberay,2013.

Waxay maamul gaobaleedka puntland aad iyo aad ugu mahad naqeern xukuumada Somaliland sida fiican ee ay u aqbashay soo dhiibistii ay codsadeen in loo soo dhiibo puntland.

Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *