Search

SOLJA Oo Kulan Ku Dhaqanka Anshaxa Saxaafada Bisha Ramadaan Ah U Qabatay Suxufiyiinta Dalka

Sheekh Almis Yaxye Oo Kulankaasi Ka Akhriyay Laba Aayadood Oo Quraanka Kariimka Ah Oo Ku Soo Arooray Mihnadda Warbaahinta Oo Ka Ilmaysiiyay Wariyayaashii

Hargeysa (Foore) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay Magaalada Hargeysa ugu qabtay Tifaftirayaasha Iyo Wariyayaasha ka hawlagala Xarumaha Warbaahinta Kulan baraarujin ah oo ku saabsan ku dhaqanka Anshaxa Saxaafadda iyo sidoo kale u diyaar garowga Bisha Barakaysan ee fooda inagu soo haysa ee Ramadaan oo laba maalmood inaga xigaan,Waxaana Kulankaasi lagaga dooday sidii hoos loogu dhigi lahaa camaliyaadka xun xun ee Allah inaga xaraantinimeeyay Bishan Barakaysan,iyo sidii loo meelmarin lahaa ku dhaqanka Anshaxa Saxaafadda(Journalism Ethic For Ramadaan).
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Solja,Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto),qaar ka tirsan Gudida Fulinta Ururka SOLJA,Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse,Wariyaha Ruug Cadaagga ah Khadar Maxamed Cakule,Masuuliyiin ka tirsan Shirkada Telesom oo kulankan SOLJA ka caawisay,Wariyaha Caanka ah ee Yoonis Cali Nuur oo Casharo kulankan ka bixiyay,khabiir dhinaca Saxaafada ku takhasusay Xasan Cabdilaahi Maxamud oo kulankaasi khudbado dhinacyo badan taabanaya u jeediyay Suxufiyiintii Kulankaasi ka soo qayb galay Iyo Sidoo kale Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo khubado diini ah ka jeediyay kulankaasi islamarkaana si weyn ugala dardaarmay Suxufiyiintii ka soo qayb galay iyo masuuliyiintii kaleba in Allah laga cabsado oo waxa la qorayo Dar-lllaahay loo eego,lagana foojinaado Camalka Allah cadho galinaya,waxa uu Sheekh Almis si gaar ah dardaaran ugu soo jeediyay Suxufiyiinta Somaliland inay qoraaladooda iyo waxa ay baahinayaan ku saleeyaan ogolaanshiyaha Diinta Islaamka iyo Sunnaha Rasuulka “NNKH” isagoo ku dul akhriyay laba Aayadood oo Quraanka Kariimka ah oo ka hadlaya Mihnada Warbaahinta kuwaasi oo ka ilmaysiiyay qaar ka mid ah Wariyayaashii Kulankaasi Shalay ka qayb galay.
Gudoomiyaha Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA” Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa si weyn ula dardaarmay Suxufiyiinta Somaliland gaar ahaan Tifaftirayaasha iyo wariyayaasha wardoonada ah inay ka dheeraadaan wixii sumcada iyo karaamada Mihnada warbaahinta wax u dhimaya,islamarkaana waxa uu ka dhawaajiyay inay gacanta ku hayaan oo ay wadaan kulamo ka balaadhan kaa ay shalay qabteen oo kor loogu qaadayo aqoonta suxufiyiinta ka hawlgala xarumaha warbaahinta Somaliland,iyo sidii loo tirtiri lahaa dhaliilaha badan ee loo soo jeedinayo Suxufiyiinta Somaliland ee ku saabsan hanaanka ay warka u raadsadaan. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kulankaasi ka soo jeediyay ayaa waxa uu ugu horayn mahadnaq u soo jeediyay masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Solja isagoo ku amaanay kulankaasi ay soo qaban qaabiyeen ee Anshaxa Saxaafada,waxa kale oo uu balan qaaday ka Xukuumad ahaan inay diyaar u yihiin inay Ururka SOLJA wax kala qabanayaan sidii aqoonta Suxufiyiinta kor loogu qaadi lahaa iyo sidii kulamo kaas ka balaadhan oo ku saabsan toosinta Anshaxa iyo suubanaanta Saxaafada la iskugu iman lahaa oo loo gorfayn lahaa.
Ugu Dambayntii waxa kulankaasi Suxufiyiintii ka soo qayb gashay uga akhriyay Casharo kala duwan oo anshaxa saxaafadda ah Wariye Yoonis Cali Nuur oo macalin dhinaca Saxaafadda ah iyo Xasan Cabdilaahi Maxamud oo isaguna khabiir Saxaafadda wax badan ka bartay ah waxaanay Suxufiyiintii goobtaasi ka soo qayb galay ku baraarujiyeen inay masuuliyad weyn iska saaraan waxa ay qorayaan oo ay ku ilaaliyaan qoraalada ay baahinayaan Anshaxa Saxaafadda suuban ee ay jidaysay Diinteena Suuban ee Islaamku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *