Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal Oo Shacabka Bariga Burco Ku Bogaadiyay Soo Dhawayn Ballaadhan Oo Ay Ku Qaabileen Musharraxa, Hogaamiyaha Iyo Musharax Xigeenka Waddani Oo Safar Ku Tagay Magaalada Burco

Burco, 16 Sept 2017, (Foore)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Maxamed Jaamac Abgaal ayaa si wayn ugu mahadnaqay Taageerayaal miisaanleh oo Bariga Magaalada Burco ku soo dhaweeyay Wati culus oo uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Ku xigeenkiisa Amb Maxamed Cali Cabdi,Waxa uu soo dhawayntaasi ku tilmaamay Fariin culus oo ay Shacabka Bariga Magaaladda Burco u direen Axsaabta Mucaarida oo tilmamaysa inaanay cid gaar ah jeebka ugu jirin ee ay xisbi walba si xor ah ugu codaynayaan.
Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaad Noo dhiibteen Maanta Fariin,awal waxaanu haynin hadal odhanaya Bariga Burco Vote-Magalaayaan oo Codayntoodii Dastuuriga ahayd ee Dastuurku siiyay,inuu Codeeyo in loo codeeyo,Siilaanyo ayaa ugu dambaysay,Codayn dambe magalayaan,cid dambe cod masiinayaan,Magaca siilaanyo cidii sheegata iyo Xisbigaasi aynuunbay siinayaan,iyagoon eegnin waxay xaq u leeyihiin,maxaa xaq loogu leeyahay,Runtii Eraygaasi maanta wuu soo afjarmay, Burco ayaa Bari ah iyo Burco ayaa Galbeed ahna way soo afjarantay”.
Waxa kale oo uu yidhi “Fariin Culus oo aan galbeed idinka oolin ayaanu gaadhsiinaynaa,Soo bixistiinaasi waa fariin adag,anana maanta waxbaa noo tarteen oo waanu raacaynaa hadda ka bacdi reer Burco,waanu ka war warsanayn oo nin reer Burco ah ayaa dib u soo baxaya ismaanu lahayne,laakiin haddii aad sidanba tihiin waa fariin adag,aad ayaanu idiinka gudoonay,aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay Wasiirkii hore ee wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiintu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *