Search

Siyaasi Cali Khaliif Oo Markii U Horaysay Badka Soo Dhigay Qaar Ka Mid Ah Qodobbada Ay Ku Heshiiyeen Isaga Iyo Xukuumadda Siilaanyo,Welwelna Ka Muujiyay Fulintooda

Hargeysa, Dec 7, 2017 (Foore)- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ee heshiiska lagashay Somaliland Cali Khaliif Galaydh ayaa markii u horaysay warbaahinta ka sheegay qodobo xasaasi ah oo ka mid ah kuwii ay Xukuumadda Siilaanyo ku heshiiyeen,Waxa kale oo uu ujawaabay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan oo dhawaan Heshiiskaasi ku sheegay mid aan dhamaystirnayn, waxa kale oo uu ka hadlay warar sheegaya inuu damacsan yahay inuu xil ka qabto Xukuumadda Cusub ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.
Ugu horayn Cali Khaliif Galaydh oo Waraysi gaar ah siiyay Telefishanka Caalamiga ah ee Horncable Tv ayaa u jawaabay Gudoomiyaha Guurtida oo dhawaan ka hadlay heshiiska Khaatumo iyo Somaliland,waxaana hadalada Cali Khaliif ka mid ahaa sidan“Saleebaan Maxamuud Aadan Waa Gudoomiyaha Guurtida,markii la yidhi Maamulka Somaliland iyo Khaatumo ayaa wada hadlay baarlamaanku waa uu soo dhaweeyay,wuuna ku raacay,Umalayn maayo war sidaasi oo kale ah in Golaha Guurtida laga sheegay,Saleebaan waa uu ku saxsan yahay haddii uu leeyahay Heshiisku waxa uu u dhexeeyay Siilaanyo Cali Khaliif, Cali Khaliif iyo Siilaanyo maaha kuwa waxan iskaga heshiiyay,Maamul dhan oo Somaliland matala,oo heshiisyo dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba gala ayaa magaca Madaxweynuhu saxeexayay ama Wasiir ka tirsani saxeexayay,Markaa jid wuu u leeyahay inuu yidhaa hala mariyo”.
Isagoo Qaar ka mid ah qodobada faah faahinaya ayaa waxa uu yidhi: “Qodobka ugu horeeyaa waa nabad,Nabad ayaana dhacday,waa lagu degay,salka ayaa dhulka lagu dhigay hawshiise waa qabyo oo waa halkeedii,Saleebaan Gaal waa reer Qorulugud,Meelo hadda Sool, Sanaag iyo Cayn ka mid ah ayaa reaction- ka yimid,waar haddiiba uu Gudoomiyaha Golaha Guurtidu sidaasi leeyahay, aarmaan loo dhamayn,oo waxa khaatumo noo sheegaysay armaa wax badaniba ka jiraa”.
Mar wax laga waydiiyay in Qodobada heshiiska ay ku jiraan in Dastuurka Somaliland la furo oo wax laga badelo ayaa waxa uu ku jawaabay sidan“haa waa ku jiraa,qodobka saddexaad ee Heshiiskaasi waxa uu tilmaamayaa in Somaliland-ta lawada leeyahay,Dastuurka in dib loo furo,waa qodobka ka hadlay awood qaybsiga,Awood qaybsiguna ama Fulinta hanoqoto ama baarlamaanka,ama Civil service-ka hanoqdeen,ama Ciidamada hanoqdeen ama Maxkamadaha hanoqdeen in awoodooda la qaybsadu inta la isku soo hor fadhiisto”.
Ugu dayn waxa uu ka jawaabay hadalo suuqa soo galay oo sheegaya in Cali Khaliif ka mid yahay Xukuumadda Cusub,Waxaana uu yidhi“Waar anigu da’a ayaan joogaa,xilal badana waan soo qabtay,waar wax alaale waxaan anigu rabo oo han siyaasadeed ah oo igu hadhay aniga majirto”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha maamulka Khaatumo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *