BREAKING NEWS
Search

Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo M/weyne Muuse Ugu Baaqay Inuu Wax Ka Baddalo Qaabkii Wada Hadallada Somaliland Iyo Somalia, Soona Jeediyey In La Taageero Go’aamadii Guddida Sicir Bararka

Hargeysa, February 3, 2018- (Foore)- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo aad loogu yaqaano Madaxweynaha Mustaqbalka kana mid ah Siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland Ayaa Ka Hadlay qaabka loo galayo Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya isaga oo dhinaca kalena dareenkiisa ka aqoonyahan ka siyaasi yahan ku cabbiray sida uu u arko tallaabooyinka ay qaadeen Guddidii dhawaan Madaxweynuhu u saaray ka soo talo bixinta iyo ka go’aan gaadhista qiimo dhaca shilinka Somaliland iyo sicir bararka.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo waraysi gaar ah siiyey Telefishanka ERYAL TV waxa uu si adag oo qoto dheer uga hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loog abaahan yahay in ay istaraatiijiyad cusub la timaaddo oo ku aaddan wada hadaladaasi oo hore u socon waayay ama aanay wax natiijo ahi ka soo bixin isaga oo Madaxweynaha Mustaqbalku Madaxweyne Muuse Biixi ku dardaaray in uu doorkan wada hadalada ka qayb galiyo qaybaha kala duwan iyo daneeyayaasha arrimaha Somalilanda sida Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Xisbiyada Mucaaridka Ah, kuna booriyey in uu qaabkii hore wax badan ka baddalo.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo Arrintaasi ha hadlayaa waxa uu yidhi: “Wallaahi in badan anigu arrinkaasi waan ka hadlayay oo waxa aan ahaa dadka dhaliilsan sida ay u socdaan horena waan uga hadlay in badan. Horta waxa la yidhi wada hadlaaba heshii oo waxa laga yaabaa in haddii la wada hadlo wuxuun natiijo mustaqbalka laga gaadho laakiin anigu ma qabo in rajo weyni ka soo socoto oo laga gaadhi karo waayo Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Biyaha aan hortooda arkayo dabadoodu waa huubo. Dhinaca kale dunida maanta is baddal baa ka socda oo waad aragtaa sida is xulufaysiga. Waxaabad arkaysaa is xulufaysi dagaal oo waxa laga yaabaa in dagaalkii saddexaad dunida ka dhaco. Adduunyadu waxaabad moodaa in aanay xiisayn in la sii kala googo’o. Dawlad weyn oo dan gaar ah innaga leh oo xagga dambe innaga riixaysaana ma jirto oo Aqoonsiga innala raadinaysaana ma jirto, Soomaaliyana waan ognahay xaaladdeeda oo waxaan is idhaa wakhtiga ugu habboon ee aan kala bixi lahaydeen waxa ay ahayd wakhtiyadii ay Caydiid iyo Cali Mahdi iyo joogeen ayaaba malaha la qaatay oo aan kala gurayn oo aan ka faa’iidaysan lahayn. Wada hadalkaasi maanta ma qabo in uu wax innoo soo kordhinayo. Qaabkii loo galay wax hallaga badalo oo guddiyadii hore wax halaga baddallo”.
Dhinaca kale Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) waxa uu ka hadlay guddidii loo xil saaray xaaladda sicir bararka iyo qiimaha shilinka Somaliland oo hadal soo saaray waxaanu yidhi: “Siyaasiyiinta, ganacsatada, wax-garadka, madax dhaqameedka dhammaan umadda waxaan u soo jeedinayaa in marxaladda aynu maanta marayno la qiimeeyo. Waxa aynu ku jirnaa xaalad adag. Waxaad ogtihiin iyada oo duruufo badani inna haysteen ay haddana maanta innoogu darsantay qabyaalad, diradiraale, kala qaybin umadeed dadkii lala dhex maro oo lagu kala qaybiyo. Ma qurux badana. Dhammaan shacab iyo xukuumad waxa inala gudboon in aan gacmaha is qabsanno oo aan is nidhaa waar xaggeen halkan uga dhaqaaqnaa ceelna uma qodna cidina uma maqnee. Go’aamada guddidaasi soo saareen waan soo dhawaynayaa waxaanan leeyahay ciddii wax qabanaysa aan ka sugno oo aan wanaagga ku taageerno. Qof ku yidhi waxbaan qabanayaa waxa loo baahan yahay in aad ku taageerto oo aan sugto oo aanad ka hor iman. Wixii ka dhimanna ku kordhi waxaanan qabaa fekerkaasi ay guddidaasi soo jeediyeen in lagula shaqeeyo. Haddii uu midho dhalana waa sidii loo baahnaa haddii uu midho dhali waayana markaasaa la gali taladii yo wixii dambe ee laga yeeli lahaa sicir bararka iyo dhibaatada qiimo dhaca shilinka Somaliland. mucaaradada degdegga ah ma jecli ee waa in aan fursad siinnaa qolyahaa yidhi waxbaanu qabanaynaa. Sicir bararka waxyaabaha innagu keenay waxa ka mid ah Zaad-kan iyo e-Dahabkan. Bangiga dhexena ha fuliyo dhammaan wixii adeeg looga baahnaa. Arrinta labaad waxa weeyi in shilinka Somaliland laga shaqaysiiyo oo la soo celiyo oo umaddu aaminto. Waana in la soo celiyo lacagtii yaruarayd ee Somaliland. qaadka ayaa iyana dhibaato weyn innagu haya iyo shirkadda DP-World oo saamayn ku leh arrintan maxaa yeelay lacag dollar ah oo 800 oo kun oo Dollar ayay maalin walba dibadda u saartaa”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Madaxweynaha Mustaqbalku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *