BREAKING NEWS
Search

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Dhawaan Safar Siyaasadeed Ugu Baxay Gobollada Awdal Iyo Togdheer Oo Uu Dalab Soo Dhawayn Ah Ka Helay Dhallinarada Ku Dhaqan + Dadaalkiisa Musharax Madax Bannaan

Hargeysa, Isniin, September, 11, 2017 (Foore)– Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Reer Somaliland gaar ahaan Dhalinyarada Ku dhaqan Gobolada Togdheer iyo Awdal inuu dhawaan safar ku gaalaa bixinayo,Waxa uu sheegay in Dhalinyarta goboladaasi ku dhaqan uu uga yimid codsi islamarkaana uu dhawaan tagayo si ay ugala qayb qaataan dareenka uu siyaasigan ku baadi goobayo sidii Dastuurka Dalka loo furi lahaa loona heli lahaa Musharax Madax bannaan,waxa uu sidoo kale fariin culus u diray Xukuumadda iyo Ganacsatada dalka oo uu u soo jeediyay in Wakhtiga kala wareegga ah illaaliyaan Hantida umadda ee lawada leeyahay.
Waxa uu Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland Siyaasi Cabdiqadir Cali Obsiiyay sidan ka sheegay maruu shalay Warfidiyeenada qaar ka mid ah kula hadlay Magaaladda Hargeysa,waxaana hadalkiisa ka mid ahaa sidan“Waxaan doonayaa inaan halkan ka iclaamiyo ama ka ogaysiiyo dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan wakhtigan,dhawaan inaan u bixi doono Gobolada dalka,si aynu u muujino dareenkeena ku waajahan in lafuro Dastuurka laguna daro in la helo Musharax madax bannaan,taasi oo ay runtii igala soo hadleen Gobolada Awdal iyo Togdheer,oo ay yidhaahdeen diyaar ayaanu nahaye,kaalay,waxaa kale oo aan Gobolada kale aan ogaysiinayaa, iyagana aan uga mahadnaqayaa,inta kalena aan uga mahad celinayaa,Hargeysa kamaynaan waayin, codka loo baahan yahay in dastuurka lagu furaa waa Shan kun oo cod, Wadanka Somaliland markaynu eegno 75% waa Dhalinyar,Hargeysa Dhawr Boqol oo kun oo cod ayaynu ka heli karnaa,laakiin waxaynu u baahanahay inay Xukuumadda,Goleyaasha iyo Axsaabtaba aynu tusno inay dhalinyaradu maanta doonayaan Isbadel dhab ah,iyo musharax madax bannaan,oo wadankan jiheeya,isbadel dhab ahna keena,gaadhsiiyana waxa uu doonayo inuu gaadhsiiyo,oo ah Hadafka ay umaddani doonayso,“Insha Allaah,Waxaan leeyahay maalinta aanu soo baxayno waanu idiin sheegaynaa,hana lagu sii baraarugo ayaan leeyahay,Taasi Gobolada ayaan u dirayaa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Takale ee aan doonayo inaan raaciyo waa su’aal, Su’aashaasi aniga ayaa iswaydiiya, Shacab weynaha Somaliland-na waan waydiinayaa,sidaynu wada ognahay Xukuumaddii Siyaad Barre waynu ridnay,Halgan dheerna waynu inagu qaadatay Riditaankeedii,ma la iswadiiyay wixii loo riday,waynu ridnay Xukunkiisii,Waxa iswaydiin leh waxa aynu u soo afjarin laanahay ama u ridi laanahay Siyaasadiisii, taasi oo ah mid inaga gumaysatay maanta Qalbiga, Qofka marka Qoriga lagu gumaysto iyo marka Qalinka iyo Caqliga laga gumaysto waa ay kala duwan yihiin,Maanta gumaysiga ina haystaa waa Siyaasadii Siyaad Barre,ee ahayd Qaybi oo Xukun,iyo Qabyaalad,waana ta ay maanta ku ololaynayaan Asxaabta siyaasadu,ee aynu wada ognahay ee aynu wada arkayno, waana hadhaagii siyaad Barre,sida aynu uga xorawynay Xukunkiisii aynu uga xorawno Siyaasadiisii,taasi oo ahayd Mugdi,qabyaalad iyo Qaybi oo Xukun oo uu inagaga tagay”.
Sidoo kale waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan mar labaad iyo Mar saddexaad u sheegayaa Dhalinayarada, haddaynaan ka xoroobin Nimankaasi uu soo tababaray Siyaad Barre,ee illaa wakhtigaasi isku keen dhiib dhiibaya ee talada isku keensii dhiib dhiibaya,Mid midba ayuu u sii dhiibayaa,Xaaladoodu waa ana ii bannee aan markayga ku fadhiisto kursiga eh,illaa wakhtigaasi waad arkaysaan, qof aan siyaad Barre u soo shaqaynin Inamuu Xukumin,Wasiirna kamuu noqon,Agaasime kamuu noqonin Somaliland,Siyaasina muu noqonin,ee waa raggii uu Siyaad Barre Soo tababaray,Maxaa inoo diiday inaynu maanta iska tuurno,waxaan leeyahay oo aan ku talinayaa,Siyaad Barre waa ninkii yidhi Qabyaalada ayaan aasayaa ee Maracad inoo aasay,Waxaan qabaa anigu,Waxaan hubaa anigu in waxaasi uu aasay aanay ahayn Qabyaaladii ee ay ahayd Qaranimaddii,iyo Cadaaladii inuu aasay,sidiina illaa hadda way inooga aasan tahay,waayo ciddaa ina haysataa waa dadkii la soo shaqeeyay ee la soo shaaheeyay,ee wax lasoo cunay,Qaranimana ma gaadhayno illaa aan qabyaaladaasi ka baxno”.
Mar wax laga waydiiyay Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiyo warar suuqa soo galay oo sheegaya inuu siyaasadiisa ku biirinayo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu yidhi “horta waxaan ahay ninka keli ah ee ay iskugu midka yihiin Xisbiyadu,waana iskugu kay mid,waana ay ii siman yihiin Xaqiiqdii,Wadahadaladana horeba waan u sheegee dad badan oo ay noo socdaa way jiraan,laakiin illaa hadda Xisbi aan go’aansaday inaan ku biiro ama aan taageeraa majiro. Aniga Hadafkaygu waxa weeyaan sidii loo heli lahaa hogaamiye wanaagsan oo aamin ah oo Alle kacabsi leh,oo ka warhaya umaddiisa iyo Marxalada uu dalka iyo dadku sugan yihiin,oo og dadkiisa waxa uu waagu ugu baryay iyo waxa uu gabalku ugu dhacay,taasina waxaan ka leenahay in la helo Musharax madax bannaan,iyo in nin dhalinyaro ah oo Alle garanayaa inuu Hogaanka dalka qabto,Laakiin majirto Xisbi aan go’aansaday inaan ku biiro,waayo Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa, “ Biyaha aan hortooda arkayo Dabadoodu waa Huubo”,nin waliba xerada yar isaga ayaa ootay Qabiilkiisiina waa uu daba fadhiyaa, Siyaasadiisana waynu arkaynaa oo waa tii Siyaad Barre,taasina waan ka soo horjeednaa,wax isbadel ah oo ay keeni karaana majirto, illaa lixda sannadood ayay inasoo hor taagnaayeen,markaa maanta iima qorshaysan inaan Xisbi ku biiro laakiin waxa ii qorshaysan inaan Waddankan isbadel ka hirgaliyo waxaanay arintaasi ku jirtaa Illaahay gacantiisa”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi “Horta Barnaamijyadayda waxa ka mid ah haddii Alle igu guuleeyo in hantida umadda aan soo wada celino dhamaanteed,waxaan leeyahay haku deg degin hantida umadda wixii hadhay,Hala ilaaliyo wixii hadhay,halaga fikiro mushkiladaha taagan ee uu ka mid ka yahay Sixir bararkii oo la iska ilaaway oo ay danyartii dhulka sii gashay,iyo dadkii abaaraha ka soo noqday oo maanta gidaarada iyo Darbiyada wada jiifa,oo daryeel la’aan iyo darxumo ay kuwada hayso,markaan waxaan soo jeedinayaa in hantida umadda wixii hadhay la joojiyo oo loosoo jeesto wixi umaddan wax loogu qaban lahaa,Ganacsatadana waxaan leeyahay hagalinina hanitidiina Wax agoon wax ku leeyahay,oo mid maati ahi wax ku leeyahay,oo mid danyar ahi wax ku leeyahay,waar hantida umadda haku deg degina hana ku dhiiranina ayaan leeyahay Ganacsatada dalka”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland Cabdiqadir Cali Obsiiye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *