Search

Siyaad Barre ka dib: Is-cafintii Shacabka Somaliland- Qalinka: Cali Cabdi Coomay

2-dii bishii Febarwari ee sannadkii 1991-kii cabbaaro 5:00 galabnimo ayay ciidankii SNM ee aagga galbeedk soo galen Hargaysa ciidankani wuxuu ahaa 31-aad, ka dib waxa ay gudaha u soo galeen magaalada oo haawanaysa. Gawaadhidii ciidanka iyo tiknikadii ayaa lagu rakibay sameeco waaweyn kuwaasi oo loogu baaqayo dadkii magaalada deganaa ee taageersanaa taliskii MSBarre in aanay ka soo bixin guryohooda, nabadgeliyo iyo inaan la’layn doonin ayaa loogu baaqay.
Qaar ka mid sameecadaha gawaadhida saarnaa waxa ka baxayay heesihii waddaniga ahaa ee “ waabaa baryey, bilicsan arooryo baxsan, maalin boqran”. Dadkan magaalada Hargaysa deganaa waxa ay ahaayeen qoxoontiyadii deganaa xeryaha ku dhawaa deegaanka Hargays oo wakhtigii dagaalka toos ula safnaa taliskii MSBarre, waxa laga dhaadhiciyay inay dhulka iyo guryaha laga saaro taageerayaasha SNM iyaga lagu wareejin doono, taasi bedelkeedana ay hubka qaataan oo ay dagaalka dhinacooda ka galaan, balse dadkaasi intooda badan lagama aargoosan, marka laga reebo kuwii si kama ah loo laayey.
Intoodii badnayd waa la saamaxay. Markii jabhadii SNM iyo shacabkii taageersanaa ay qabsadeen magaalooyinka Somaliland, waxa magaallo kasta ka buuxay dad aad u badan oo ka mid ahaa xaasaskii ciidamadii Max’ed Siyaad, dadkii qoxootiga ahaa ee la doonayey in dhulka lagu beero iyo dad kale oo taageereyaal u ahaa kacaankii Max’ed Siyaad Barre. Markaa waxa la isk weydiiyey maxaa laga yeelayaa dadkan? Qaar waa reer somaliland qaar kalena waa Soomaaliya, kuwa kale oo badani waxa ay ka yimaadeen kililka shanaad ee Itoobiya. Markii dalka laga saaray taliskii max’ed siyaad bishii febarwari dhamaadkeedii 1991, dadkii reer somaliland waxa ay ku baaqeen shirkii ugu horeeyey ee nabadeed oo la iskugu yimid magaalada Berbera.
Ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay shirweynihii beeluhu isugu yimaadeen magaalada Burco. Bishii maarij 1991 waxa Hargaysa ka dhacay shir ballaadhan oo laga furay aqalka madaxtooyada. Shirkaasi wuxuu socday muddo 4 cisho ah waxa maalin kasta ka qaybgali jiray dad gaadhaya 400 qof. Ujeedada shirkaasi wuxuu ahaa sidii loo dawayn lahaa collaadii socotay 10-ka sano.
Waxyaabaha la isku weydiiyey shirkaasi waxa ka mid ahaa saddex qodob:
= Miyaa la kala aarsadaa oo dagaalka iyo collaadu weynu sii wadnaa haddii aynu nahay SNM iyo shacabkii taageersanaa?
= Miyeynu joojinaa oo weynu la heshiinaa dadkii collaadu inaga dhexeysay, ee reer somaliland ahaa?
= Dadkan aan somaliland u dhalan ee dalka aynu ugu nimid maynu laynaa mise weynu iska daynaa oo deegaankoodii ayeynu ku celinaa?
Waxa xusid mudan in wakhtigan shirku socday in magaalada afar-meelood saddex ay dunsanayeen, oo weliba guryahoodii ay ka qaxeen ay degan yihiin dad aanay garayn, oo lagu qiyaasay 30 kun oo ka mid ahaa dadkii magaalada burburiyey. Haddii aynu dib ugu noqo shirkii qodobada sare lagu falanqaynayey waxa la soo qaatay qodob qodob. Ka koowaad waxa la isku raacay:
= Inaan la kala aargoosan oo SNM iyo shacabkii taageersanaa ay iska iloobaan aarsi oo ay ku bedeshaan cafis. Waxa ay tusaale u soo qaateen markii rasuulkeena (scw) iyo asxaabtiisi laga saaray gurahoodii ee la colaadiyey sideena, ee ay qoxooti noqdeen. Ka dib markii dambe ee ay qabsadeen “makka” sidaynu Hargaysa u qabsanay, ayuu rasuulku(scw) shiriyey dadkii uu ka xoog batay ka dib wuxuu ku yidhi” maxaad iga filaysaan?” waxa ay yidhaaheen aargoosasho”. Basle wuxuu ugu bishaareeyey nabad iyo walaaltinimo.
= Waxa la isku raacay in lala heshiiyo beelihii ay wada deganayeen reer somalialand, oo la iska cafiyo wixii dhacay, dawladna la wada dhisto.
= Waxa la isku raacay in aan la’layn dadkan dalka jooga ee kacaankii ka hadhay, balse la is-dhaafiyo, oo lagu celiyo deegaankoodii ay ka soo haajireen. Waxa laga codsaday qof kasta oo baabuur lehi in uu ka qaybqaato daadguraynta dadkan. Dadkan qaar ka mid ahi waxa ay dalka kaga baxeen lug. Waxaad arkaysay dad fara badan oo ubadkoodii yo alaabtoodii wata oo ku teedsan Hargaysa ilaa Harta sheekha. Dadka qaar ayaa ku taliyey in alaabta laga reebo maadaama aanay iyagu lahayn, oo dadka reer Hargaysa leeyihiin, balse waa laga diiday, oo waxa la yidhi” qaat wixii aad kari kartaan. Dadkaasi markay sii socdeen xagooda hore mooyee xaga dambe mays oo eegayn. Cafisku waa guul mustaqbal.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Meersiyadii Taariikhda (Vol-1) 2014………. Cali Qoryoolay




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *