Search

Sirdoonka Muqdisho Oo Laba Nin Oo Reer Boorama Ah Ku Xidhiidhiyey Qorshaynta Iyo Fulinta Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Huteel Jaziira

Qaabkii Uu U Dhacay Weerarkaasi Iyo Shaqsiyadda Ruuxii Fuliyay + Magacyada Ragga Reer Boorama Ee Ay Ku Sheegeen In Uu Midna Qorsheeyey Midna Fuliyey.
Muqdisho (Foore)- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Maamulka Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray baadhis hordhac ah oo ay ku sheegeen in ay ku sameeyeen Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Toddobaadkan lagu qaaday Huteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho iyaga oo weerarkaasi qorshayntiisa ku xidhiidhiyey nin ay sheegeen in uu ku sugan yahay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale ninka falka gaystay ee is miidaamiyeyna ku sheegay nin u dhashay isla Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
Sirdoonka Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta shalay u qaybiyey qoraal kooban oo ay arrintan ka soo saareen ayaa sheegay in weerarkaasi dhibaatada badan gaystay uu soo maleegay nin lagu magacaabo C/naasir Axmed Buuni oo ay sheegeen in uu wakhtigan ku sugan yahay Magaalada Boorama halka ninka Is Miidaamiyeyna ay ku sheegeen C/Risaaq Muuse Buux oo ahaa nin dhallinyaro ah oo ay isna ku sheegeen in uu ka soo jeedo Boorama.
War-saxaafadeedka Sirdoonka Muqdisho shalay arrinkan ka soo saaray ayaa u dhignaa sidan: “Warbixin baadhis hordhac ah oo ay soo saartay Hoggaanka Baarista HSNQ (NISA) oo ku saabsan qaraxii Hotel Jaziira ka dhacay maalinimadii 26/July/2015, 4ta Galabnimo (1600 GMT), faahfaahintu waa sida hoos ku qoran:-
A. Qaabkii Qaraxa U Dhacay & Khasaaraha Uu Gaystey:-
Qaraxa noociisu wuxuu ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari nooca Xamuulka ah (Nissan UD) oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo ku soo dhex dhuuntay dad qaxooti ah oo laga rarayey agagaarka Hoteelka, wuxuuna dusha soo saartay joodoriyaal & Alaab guri. Khasaaraha uu gaystey qaraxaasi waxay kala yihiin. Dhimasho 17 qofood ah, Dhaawacuna kor u dhaafayey tobaneeyo, iyadoo qaarkoodna ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaarey. Tirada Gaadiidka ku burburay qaraxaas waa 5 gaari & 1 mooto. Waxaa khasaare burbur soo gaarey dhismaha Hoteelka la weerarrey & guryo kale oo ka ag dhowaa Hotel Jaziira. Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkaas.
B. Faahfaahin Ku Saabsan Ismiidaamiyaha:
C/Risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30 jir, Reer Boorame ah, ku dhashay magaalada Tripoli-Libya, wuxuuna ku noolaa magaalada Born, Dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray Dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sanadkii 2012.
C/Risaaq wuxuu ku soo biiray kooxda UGUS 2013, ayadoo dad qurbo joog ah ay ku soo tashkiiliyeen.
C. Mas’uuliyadda Qaraxaasi
Qaraxaan mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, waxaa soo baxayaa inay jiraan shaqsiyaad kale oo lahaa abaabulka & fududaynta weerarkaas, Waxaana la rumaysanyahay inay ka mid ahaayeen:- C/naasir Axmed Buuni, oo ahaa shaqsiga kor ka hagayey qaraxa ismiidaaminta ah, wuxuuna hada ku suganyahay magaalada Boorame.
Sidoo kale, Waxaa gacan wayn ka geystay fududaynta weerarkaas nin ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada dalka soo marey, oo hada ka cararey magaalada Muqdisho. Waxaana socota baadhis, dib ayaan ka soo sheegi doonaa magaca shaqsigaas & faahfaahin dheeraad ah”. Ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *