BREAKING NEWS
Search

Sirdoonka Imaaraadka Carabta La Sheegay Inay Xabsiga U Taxaabeen Boqor Buur-Madow Dubai

Sirdoonka Imaaraadka Carabta La Sheegay Inay Xabsiga U Taxaabeen Boqor Buur-Madow

Dubai (Foorenews)-Ciidamada Sirdoonka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay doraad Xabsiga u taxaabeen Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland, oo sanadkii u dambeeyay dibad wareeg ku ahaa qurbaha ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo aflagaadooyin culus uga soo jeediyay warbaahinta.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa la sheegay in ciidamada sirdoonka imaaraadka carabta ay ka qabteen Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Dubai isagoo ka soo laabtay wadanka Sucuudiga oo uu u tegay Gudashada Waajibaadka Xajka.

Ilaa hada si rasmiya looma oga asbaabaha dhabta ah ee Buur madow xabsiga loogu taxaabay, hase yeeshee nin sheegay inay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud oo xalay Horn Cable TV u waramay ayaa cadeeyay in Walaalkii Boqor Cismaan Buur-madow ay qabteen Sirdoonka Imaaraadka, waxaanu yidhi isaga oo arrinkaa ka hadlaya“Anigoo ah Maxamed Maxamuud oo ah Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow Walaalkii waxaan cadaynayaa in la Xidhay Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow, waxaana xidhay sida naloo sheegay Ciidamada Sirdoonka ee dawlada Imaaraadka, iyadoo xukuumadda Somaliladna la sheegay inay lug ku leedahay Xadhigiisa, laakiin waxa kaliya oo aan cadaynayaa in Boqor Cismaan Buur-madow la xidhay ilaa hadana meel uu ku xidhan yahay aan war loo hayn, saldhigyada Magaalada Abu-dubai oo aanu ka baadhnayna waanu ka waynay, markaa meel ay ku xidheen ama geeyeen lama garanayo”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *