Search

Gudd. Saleebaan Oo Ka Gaabsaday Arrinka Haamaha Shidaalka Berbera, Sheegayna In Madaxdii Dalku Mar Walba Madaxa Iskula Jirto

Hargeysa (Foore) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay go’aankii Maxkamada Sare ka soo saartay Murankii ku saabsanaa mudo kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Guurtidu u samaysay,sidoo kale waxa uu ka hadlay xaalada Nabadgalyo ee dalku Marayo,isagoo bulshada iyo Saxaafadaba ugu baaqay inaan balaayo loo yeedhan ee si dhab ah loogu kuur galo Bad qabida Somaliland ku sugan tahay oo uu ku sheegay mid lagu faano.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo jawaabo koob kooban Shalay ka bixiyay Su’aalo ay la boobeen qaar ka mid ah warfidiyeenadu,Gudoomiyaha ayaa Su’aalahaasi qaarna ka jawaabay qaarna dhinac iskaga leexiyay inuu wax ka yidhaahdo,waxa uu ugu horayn ka hadlay Go’aankii Maxkamada Sare ka soo saartay murankii Mudo kordhinta uu golihiisu u sameeyay Xukuumadda Kulmiye Waxaanu yidhi “Gudoomiyaha Maxkamada Sare Go’aan haddii uu gaadhay, ma hadal ayaa ka jira,Haddii Maxkamadii sare Go’aan gaadhay,dee waa meeshaynu ku Eerano markaynu is qabano ee ma hadal ayaa ka hadhay”.
Sidoo kale waxa ay Warfidiyeenadii Su’aalaha la boobay wax ka waydiiyeen inuu ka hadlo oo uu wax ka yidhaahdo Muranka Sharci ee Haamaha Shidaalka ee ay Xukuumaddu ku doonayso inay dhaxal wareejiso oo meel xun maraya,isagoo Gudoomiyuhu ka gaabsaday inuu ka hadlo ayaa waxa uu si kooban u yidhi “Waaryaa waa ninka,Arintaasi aniga iima joogto”.ayuu si kooban u yidhi Gudoomiye Saleebaan. Sidoo kale waxa uu ka hadlay oo su’aal laga waydiiyay Xaalada Nabadgalyo ee dalka waxa uu Sheegay Gudoomiye Saleebaan in maanta Xaalada Nabadgalyo meel fiican marayso,waxaanu Wariyayaashii Su’aallaha la boobayay ku wacyigaliyay inaan balaayo loo yeedhan ee lagu shurgi naqo xaalada Nabadgalyo ee dalka Somaliland ku sugan yahay, waxaanu si kooban u yidhi “Wax aynu maanta la cabanaa ma yaaliin, ha inoo buun buuninina, Balaayo Illaahay inaguma keeno,”.
Waxa uu Gudoomiye Saleebaan ka dhawaajiyay in Madaxda dalka ugu saraysaa is xag xaganayso balse waxa uu ku baaqay inaan la isku sii fiiqin ee la isku daayo,waxaana uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya “Dalka Madaxdiiisu Way is xag xaganaysaa,isku daaya, Maxaa idinka idinku saliday,Maxaad Iskugu Xoqaysaan”.
Gudoomiye saleebaan ayaa Su’aalo badan oo kale oo Warfidiyeenadu waydiiyeen Qosoll kaga jawaabay isagoo diiday inuu wax ka yidhaahdo balse ay ku haboonayd marar badan oo saxaafaddu makarafoonka hoos dhigtayna ka gaabsaday in uu wax badan ka yidhaa xaaladda taagan gaar ahaan muranka haamaha.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *