Search

“SIciid Cilmi Rooble Waxaan Leeyahay Madaxtooyadu Ma Aha Meel La Isku Dilo Ee Waa Xaruntii Dalka Looga Arriminayay”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Eedo Dhawaan Uga Yimid Xildhibaan Siciid Cilmo Rooble

Hargeysa (Foore)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudanayaasha Xisbiga KULMIYE Ugu Jira Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khadka telefoonka ugu warramayay shabakadda hadhwanaagnews, waxaanu sidoo kale xildhibaanku ka hadlay qodobo kale oo door ah.
“Waxa aan leeyahay saaxiibkay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Madaxtooyadu maaha meel la isku dilo ee waa xaruntii looga arriminayay dalka oo dhan, cid walbana waa u furan tahay oo waa inagii wada geli jirnay inaga oo wada socono. Waxa aan leeyahay madaxtooyada nalagu layn maayo ee waa taayadii iyo tii aad noola soo halgantay siciidoow cidina nagama xigto ee bilaha Ramadaan iska cibaadayso oo hadalka badan ee aan waxba kuu tarayn yarayso ayaan ku odhn lahaa” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac. Mar aanu waydiinay bal sida uu u arko in xarunta Madaxtooyada ciidamada ilaaladu ay wax ku dhex yeeleeyeen xildhibaan Xasan Cawaale ayaa waxa uu yidhi “Adeer Madaxtooyada waxa ku rakiban Camerado, waxaanan warbaahinta leeyahay ha la sugo, waayo askarigiiba waxa uu yidhi waan riixay, laakiin waaka xildhibaanku ina yidhi waa la idilay, waxaanan leeyahay wax walba ha la hubsado” ayuu yidhi. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo aanu weydiinay bal waxa la yeelayo hadii ay xukuumadda Wakhtigeedii dhamaaday “Adeer xukuumaddu way jiraysaa, waxaanay ku shaqaynaysaa muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu sameeyeen” ayuu yidhi. Sidoo kale Xildhibaanka mar aanu waydiinay waxa jira wararka la isla dhex marayo ee sheegaya in aanu madaxweynuhu talinin “Habaar Waa Dibad, waxaanan leeyahay cida waxaas tidhaahda isla hela, madaxweynuhu wuu taliyaa, waxaanad ka war haysaan in cid kasta oo aflagaado u geysata in uu ilaahay ku reebay, isaga ayaa taliya oo hogaamiya qaranka, waxaanu u horseeday guulo la taaban karo” ayuu yidhi. Xisbiga Kulmiye hadii ay doorasho dhacdo muxuu ku isleeyahay waa lagugu dooran doonaa “Waxa aad ka war haysaa in barnaamijkii aanu doorashada ku galnay in aanu wax badan fulinay, inta yar ee noo dhimana waxa aanu jecelahay in aanu soo dhamaystirno hadii alle idmo. Waxa aan ahaa Guddoomiyaha Ololaha, waxaanan qabaa in wixii aanu doorashada ku galnay oo dhan aanu sidoodii ku fulinay, lacagtii waa laga bedelay Bariga, Wadadii Ceerigaabo Waanu wadnaa, wasaaradihii foosha xumaa dib ayaanu u wada dhisnay, ciidamadii darajooyinkii iyo haybadoodii ayaanu u soo celinay, waxbarashadii hoose dhexe bilaash baanu ka dhignay, waxaas oo dhami barnaamijkayaga ayay ku jirtay, sidoodii ayaanan u fulinay” ayuu yidhi. Su’aal ahayd bal hadii ay waxbarashada bilaash ka dhigeen, maxaa ardayda looga qaadaa lacagta gaadhaysa 20,000 oo shillinka Somaliland ah waxa uu kaga jawaabay “Taasi ma dhicin ee waxa laga yaabaa in ay ardayda waalidkoodu ay macalimiinta siiyaan waxyar oo faro guudkooda ah” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Xildhibaan Nacnac oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *