BREAKING NEWS
Search

“Shuruucda U Taal Xisbiga KULMIYE Ma Bannaynayaan In Guddi Qabanqaabo Loo Sameeyo Qabsoomidda Shirka Golaha Dhexe” Xasan Siciid

Xoghayaha KULMIYE Oo Sheegay In Uu Isagu Masuul Ka Yahay Qabanqaabada Shirarka KULMIYE Hawshuna Si Wanaagsan Ugu Socoto

Hargaysa (Foore)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa beeniyay inay jirto guddi Madaxwayne Siilaanyo khilaafka Kulmiye u magacaabay oo Warbaahintu baahisay. Warbaahinta gudaha ayaa baahiyay inuu madaxwayne Axmed Siilaanyo magacaabay guddima kooban shan xubnood oo khilaafka kulmiye ka gar naqi doona. War-saxaafadeedkaasi oo soo gaadhay Wargeyska Foore waxa uu u dhignaa sidan:-
“Warka lagu baahiyey shabakadaha interneta qaarkood ee lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu guddi qabanqaabo u magacaabay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo laga been abuuray Madaxweynaha Qaranka, isla markaana lagu doonayo in lagu khalkhalgeliyo habsami u socodka hawlaha diyaargarowga shirka. Shuruucda iyo qawaaniinta u taal xisbiga KULMIYE ma bannaynayaan in guddi qabanqaabo loo sameeyo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbiga. Hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe oo uu masuul ka yahay Xoghayaha guud ee xisbigu waxay u socdaan si habsami ah, iyadoo maalintii shanaad ay socoto diiwaangelinta iyo samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe ee ka qaybgali doona shirka 10-ka November 2015, ilaa haddana la ay is diiwaangeliyeen inta badan xildhibaannada golaha dhexe. Sidaa daraadeed, waxaannu uga digaynaa dadka baahinaya wararka been abuurka ah ama tuhumada ay saxaafadu qabto in ay ka waantoobaan” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska kulmiye oo hoghaya guud ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *