BREAKING NEWS
Search

Shirkii Wuu Marin Habaabay Somaliland, Puntland iyo Buuhoodle Midna Lagama Ogola

Hargeysa (Foore)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa sheegay in shirkii Taleex fashilmay ka dib markii sida uu ku dooday la marin habaabiyay shirkaasi.

“ Shirkaasi wuu kharibmay siduu ahaana waa laga duway koox baana carruur u yeedhay oo yidhi shir baanu qabanaynaa, shirkaasna Somaliland lagama ogola, Puntland lagama ogola oo Buuhoodle lagamaa ogola meel laga ogol yahay ma jirto, waxaana loo daadafeeyey macna la’aanta ka soo baxday,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

“Anagu shirka waanu ogalayn hadaanu reer Somaliland nahay, waxaanu u ogolaanay in tallo ka soo baxdo, Beesha Dhulbahante tabashaa ku jirta inay tabashadooda ka hadlaan oo gogol loo fidiyey ay ka hadlaan oo yimaadaan, taasina ma dhicin oo cirkaa lala tagay,”ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta ka hadlayay dood BBC-du ku falan qeynaysay midhihii shirkii Taleex.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay Cali Khaliif Galaydh inuu Somaliland ka tagay markii uu xil ka waayay sanadkii 1993-kii, waxaanu yidhi “Bulshada Dhulbahante marsada Berbera ayey ku xidhan yihiin, qaarna waxay ku xidhan yihiin dekada Boosaaso laakiin cirka waxba ugama soo degaan. raga halkaa joogana haday London tagayaan labatankii sanadood ee la soo dhaafayba dalka way ka maqnaanayeen. Imikana way tagayaan sida uu Cali Khaliif Galaydh sheegay. Cali wuu joogay Somaliland shirkii 1991-kii, shirkii 1993-kiina wuu yimid ee markii uu xilkii uu doonayay waayay ayuu tagay.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in waxa ka soo baxay shirka Taleex uu saamayn ku yeelan karo aqoonsigii Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland xaq bay leedahay way raadsanaysaa aqoonsigeeda iyo talladeeda mid walba way radsanaysaa iyadoo ay ku jiraan Sool, Sanaag iyo Cayniba (Buuhoodle), taasina wax dhiba oo ay ku keenaysaa ma jirto, raga halkaa (Taleex) isugu tagayna waxba kama goyn karaan.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *