Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Ku Qabsoomay Hargeysa Iyo Qodobada Ka Soo Baxay Iyo Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Foore)- Shir-sanadeedka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo Muddo hal maalin Ah ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa iyada oo shirkaasi xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ku Ansixiyeen Qodobo Dhawr ah.
Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo Shalay ka qabsoomay Huteel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Goob Joogna ka ahaa min Furitaankiisii Illaa dhammaadkiisii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cadilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno ka socday Golaha dhexe ee KULMIYE, Golaha wasiirada Somaliland qaar ka mid ah iyo Mart sharaf kale oo badan.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka Hadlay Furitaanka Shirka Golahan ayaa sheegay in ajandaha horyaala shir sanadeedka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu ka kooban yahay laba qodob kuwaasi oo uu soo jeediyey xubnaha golaha dhexe inay ansixiyaan. Qodobada Guddoomiyaha Golaha dhexe soo jeediyay ayaa kala ahaa:
1. In Heshiisyo Uu Xisbigu La Galay Ururadii siyaasada ee ka qayb galay doorashadii golaha deegaanka lagu ansixiyo Shir Sannadeedkan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.
2. In shir-weynihii Guud ee Xisbiga KULMIYE qabsoomo 25-ka Bisha Diisambar ee Sannadkan 2013.

Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ee Fadhiyey Shir Sanadeedkan Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxay ogolaadeen in labadaas qodob sidaas lagu ansixiyo marka laga reebo 7 xunbood oo ka soo hor jeedsaday ansixinta heshiiska uu xisbiga Kulmiye la galay ururadii ka qayb galay doorashada golaha deegaanka ee ku biiray xisbigaasi.
Shir sannadeedka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaana lagu soo gabagabeeyey mudo hal maalin ah waxaana madashaasi hadalo kala duwan ka soo kala jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha KULMIYE, Gudoomiyaha Golaha dhexe iyo xubno kale. Waxaanay Xisbigu u ballameen Shirweynaha Guud ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE oo lagu wado in uu qabsoomo Bisha Diisambar ee soo socota aakhirkeeda.
Kalfadhigan aan caadiga ahayn waxa kale oo ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xubnaha Golaha dhexe oo tiradoodu dhan tahay 148 xubnood, waxa iyaguna goob joog ka ahaa Salaadiin, cuqaal iyo Taageereyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE.
Fadhigan waxa lagu ansixiyay ijn shirweynaha xisbiga dib loo dhigo illaa 25-ka Bisha December ee dabo-yaaqada sanadkan 2013-ka, waxa cod gacan taag ah ku ogolaaday 147 xubnood, cid diiday iyo cid ka aamustay midna may jirin, waxase aan codayn Guddoomiyaha Golaha dhexe.
Sidoo kale, waxa lagu ansixiyay ururadii doorashada ku hadhay ee RAYS, DALSAN Iyo UMMADDA ee dhawaan ku soo biiray heshiiskana la gaadhay xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday 140 xubnood, laba xubnood way diideen, afar xubnoodna ayaa ka aamusay, halka Guddoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu qodobkaasina ku ansaxay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay Shirka London loogu qabanayo Soomaaliya ee la sheegay in Xukuumadda Ingiriisku qaban qaabinayso Hogaamiyaha Soomaaliyana Shirkaasi Guddoominayo, waxaanu yidhi: “Shirka London kama Qayb Galayno oo waxaanu u aragnaa in aanu na khuseyn, wax dan ahina aanay ugu jirin Qarankan Somaliland”.
Madaxweyne Siilaanyo oo Hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray: “Wada Hadaladii U Dhexeeyey Somaliland Iyo Soomaaliya Waxa Uu Ahaa Barnaamij Socda Oo Ka Soo Bilaabmay Shirkii London Ee Sannadkii Hore, Taas Oo Dunida Ku Go’aamiyey Inay Ka Wada Hadlaan Mustaqbalkooda Siyaasadeed, Intaas Ka Dibna Waxa Dhacay Shirkii Duleedka London Ka Dhacay Iyo Kii Dubai Ka Dhacay, Waxaana Ku Kala Saxeexanay Qodobo Dhaxal Gal Ah Oo Hor Dhac U Ahaa Wada Hadaladaasi, Mana Jiraan Wax Iska Kaayo Badalay, Diyaarna Waanu U Nahay In Loo Wada Hadlo Si Siman, Mana Jirto Cid Nagu Qasbaysa Wax Aanay Dani Ugu Jirin Umaddayadda”.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadalkiisa sii wataa, waxa u u yidhi: “Wada Tashi Ayaanu Ka Yeelanay Goleyaasha Qaranka Wakhtigii Shirka La Tagayey, Mana Jirto Cid Makhaayadaha Wax Nooga Yeedhinaysa Iyo Wada Tashi Aanu Kala Yeelano Dadka Suuqa Jooga, Qarankani Waxa Uu Leeyahay Cid Matasha Oo Aanu Wax Kala Tashano”
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu sheegay in muddooyinkan danbe ay dalka si aad ah u yimaadeen shirkado iyo ganacsato shisheeye kuwaasi oo maal gashi iyo ganacsi kaleba dalka ka abuuri doona, waxaanu madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay hay’adaha amaanka ee dalka iyo shacbakaba in loo baahan yahay in la ilaaliyo shirkadahaasi iyo ganacsatadaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *