BREAKING NEWS
Search

Shirkadii Ugu Horaysay Ee Qaybteeda Somaliland Ay Saamaysay Go’aamaddii Xukuumaddu Ku Soo Rogtay Adeega Zaadka Iyo E-Dahab-Ka Iyo Mulkiilaha Shirkadaasi Oo WalaacKa Muujiye

Hargeysa, February 3, 2018- (Foore)- Mulkiilaha Shirkada Caanka ah ee Xawilaada lacagaha qalaad ee WORLD- REMIT Ismaaciil Axmed ayaa walaac ka muujiyay saamaynta ay ku keeneen Shirkadiisa Qodobadii ay Xukuumaddu soo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta ee ay ku xanibtay Adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahab-ka in lagu isticmaalo Boqol dollar wax ka yar,Waxa uu dhaliilo dusha u saaray Gudidii Wasiiradda ahaa ee ay Xukuumaddu u Saartay Sixir bararka waxaana uu ka codsaday Xukuumadda inaanay ku deg degin fulinta Go’aamadaasi isagoo dhinaca kalena sheegay in Qodobadani aanay wax aqoon ah ku salaysnayn islamarkaana aanay waxba ka badeli Karin Dollar qaaliyawga iyo qiimo dhaca Shilinka Somaliland balse ay keli ah Shirkadiisa wax yeelayaan.
Masuulkan oo lahadlay Telefishanka Star ayaa waxa uu ugu horayn yidhi“Go’aanka ay Dawladu ku mamnuucday in boqol dollar iyo wixii ka yar aan waxba lagu iibsan Karin la iskuna diri Karin Zaadka,ayaa waxaan qabaa inuu yahay mid Khal khal dhaqaale abuuri kara,waxbana aan ka taraynin qiimaha dhaca shilinkeena ku yimid,waayo talaabooyin kuwa la mid ah dawladdihii horeba way isku dayeen oo inoomay shaqaynin,Sanadkii hore go’aan kan la mid ah ayaa la qaatay oo muu shaqaynin,oo waatii dawladii ka noqotay,Waxa kaasi ka horeeyay in dadka la yidhaahdo lacagaha Dibada laga soo dirayo halagu badelo Shilin Somaliland,Muu shaqaynin oo waa laga noqday,illaa iyo markii shilinka Somaliland la soo daabacday go’aamo caynkaasi ah oo aan si wanaagsan looga soo fikirin oo dawladihii kala dambeeya ku dhaqaaqayeen ayaa uu mid waliba marka dambe noqonayay mid laga noqdo”. Waxa kale oo uu yidhi“Talaabadani waxay keenaysaa in Lacagihii dibada ka imanayay ay inbadani inaga hakato, Sanadkan in kabadan 50% lacagaha dibada inooga yimaadaa waxay ku soo dhacayaan Zaadka, World Remit waxay ka mid tahay shirkadaha Zaadka lacagaha ku soo dira in badan lacagaha lanasoo mariyaa waa Boqol dollar iyo wax ka yar,kol haddii go’aamadaasi ay hirgalaan waxay anaga khaasatan nagu khasbaysaa inaanu joojino lacagihii aanu Somaliland u soo diraynay,waayo malehin wakiilo Lacago cadaan ah bixiya,2013-kii ayaananu iska joojinay lacagihii cadaanka ahaa ee aan Somaliland ka bixin jirnay”. Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Waxa meesha ka muuqda gudidii wasiiraddii Arintan loo diray inaanay si qoto dheer uga baaraan degin Wax yaabaha ka iman karaya Talaabadani noocan ah,Markaa waxaan leeyahay inta aanay Dawladdu ku deg deggin in arinta mar kale lagu noqdo,oo talada waxan ku saabsan la balaadhiyo,waa in la soo celiyo kalsoonidii umadda,Waxay arintani saamaynaysaa dadka danyarta ah,waa in sidoo kale la soo celiyo Awoodii baanka Dhexe lahaa,iyo waliba madax baanidii uu ku maamuli lahaa Lacagta Wadanka”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *