BREAKING NEWS
Search

Shirkadihii Hawlaha Baadhista Shidaalka Ka Waday Somaliland Oo Natiijo Farxad Leh Soo Bandhigay Iyo Deegaamada Laga Helay Shidaalka

Hargaysa (Foore)-Shirkad shidaal baadhis ka wada dalka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay gobolka Oodweyne ka heshay shidaal xaddigiisa lagu qiyaasay ballaayiin barmiil.
Shirkadda Jacka Resources (ASX: JKA) ayaa xaqiijisay in degaanka Oodweyne ee gobolka Daadmadheedh ee Somaliland ay ka heshay dooxo weyn oo qaab dhismeedkeedu muujinayo inuu ku jiro shidaal badani.
Jacka Resources, waxa ay xustay in dhulka shidaalka laga helay uu cabirkiisu gaadhayo 22,000 Kilomitir oo isku wareeg ah,, halkaas oo bishii hore ay shirkadda Genel Energy ka samaysay sahamin.
Wark ani waxa kale oo uu intaas ku darey in ay jiraan laba meelood oo kale oo iyagana laga helay shidaal oo isla deegaamadaas ah.
Shirkadda Genel ayaa lacag xaddigeedu dhan yahay 2 billion oo lacagta Ingiriiska ah ku maalgelinaysa soo saaridda shidaalka deegaamada Oodweyne inta ka horeysa bisha May ee sannadka 2015.
Genel ayaa dhawaan sheegtay in shidaalka ku jira deegaankaasi uu ka badan yahay 1 billion barmiil, kaas oo ay filayaan in si dhakhso ah ay u suurtogasho soo saariddiisu, waxaana sida ka muuqata qorshaheeda ugu dambeeyay ee ay daabacday khamiistii dhowayd ay ku xustay khariidada Somaliland oo ay si gaar ah u calaamadisay deegaamada ay ka heshay shidaalka.
Sida ka muuqata warbixinta Shirkadaasi oo ka kooban 38 bog, waxa ay ku xustay cabirka dhulka Somaliland ee ay ka heshay shidaalka. Waxa kale oo weheliya waddamo kale oo ku xusan khariidada oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Libya, Yemen iyo qaar ka mid ah waddamada Galbeedka Afrika.
Genel Energy ayaa ah shirkad laga leeyahay waddanka Turkey, waana Shirkad Caan ka ah dunida, waxaanay waddamo badan ka soo saartay shidaal, iyada oo sannadihii u dambeeyay hawlgalo shidaal soo saarid iyo sahamin ah ka samaysay waddamo bariga dhexe iyo Afrika ku kala yaala, iyadoo khariidada wadamada ay shidaal soo saaridda iyo sahaminta ay ka samaysayna ay hadda ku dartay Waddanka Somaliland oo ay bilihii u dambeeyayba si firfircoon uga hawlgalayeen.

Wariye:-Kamaal Sh Ismail
Foorenews,com
Hargeisa/somaliland




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *