BREAKING NEWS
Search

Shirkadda SOMTEL Oo Daamur Ugu Deeqday Waddo Laga Dhisayo Xaafada Daami Ee Degmada Gacan Libaax

Hargaysa(Foore)Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel ayaa Maanta koton Foosto Oo Daamura waxa ay ugu deeqday Wadada Xaafada Daami ee Degmada Gacan Libaax ee Magaalada Hargaysa.

Waxa Wareejinta Deeqdani Goob joog ka Ahaa Guddiga Xaafadda Daami iyo Masuuliyiin Ka socday shirkadda Somtel iyo Madax dhaqameed kasoo Jeeda Xaafadda Daami ayaa waxaa Ugu Horay Ka Hadlay Madaxda Suuqgaynta iyo Iibka ee Shirkadda Somtel Mudane Cabdinaasir saleeban oo Ka Hadlay Ujeedada Deeqdani iyo Tirada foostooyinka Daamurka ah ee ay ugu deeqayaan Dhamaystirka Wadada Xaafadda Daami .
< Mudane Cabdinaasir waxa uu sheegay in shirkadda somtel iyo shirkadda ay Mataanaha Yihiin ee Dahabshiil ay si weyn uga qayb qaateen horumarka Bulshadda waxaanna uu sheegay ka dib Markii ay Arkeen Baahida loo qabo dhamaystirka Wadadani oo Halbowle u ah Magaaladda Hargaysa.

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Mudane Barkhad Jaamac Xirsi oo isagunna Madasha Ka Hadlay ayaa Mahadnaq Balaadhan usoo Jeediyay Shirkadda Somtel isagoo siddoo kale shacabka ugu Baaqay inay Shirkaduhu u Kala soocnaadaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ? Wadadaasi waxay ahayd Carqalad waxaanu hore ugu tagnay shirkado badan oo waxtar weyn ku leh bulshada oo aanu waxba ka waynay shirkada somtel waxay ahayd shirkaddii ugu horaysay ee Baaqayaga ka Jawaabtay mudo ka yar laba toddobaad Markaas bulshadda waxaan leeyahay shirkaduhu Haydiin Kala soocnaadaan?.

Guddoomiyaha Degmadda Gacan Libaax Khadar Cismaan Guuleed oo Ka Hadlay Madasha ayaa u Mahadnaqay shirkadda somtel isaga oo ku Amaanay Doorka ay Shirkaddu Ka Gaystay Horumarka Degmadda Gacan Libaax oo Dad Danyar ahi Degen yihiin .

Boqor Ahmed Iimaan Warsame oo ka hadlay Munaasibadani Deeqda Loogu Wareejinayay Guddiga Xaafadda Daami ee Magaaladda Hargaysa ayaa u Mahadceliyay Shirkada Somtel waxaanna Hadladiisii Ka Mid ahaa ? aad iyo aad baan usoo dhawaynaynaa Kaalmadda Deeqda ah ee 50 Foosto waana shirkaddii ugu Horaysay ee noogu deeqda Daamur shirkadaha Kalena waxaan Leeyahay Ku dayda Somtel?

Suldaan Iid Cabdilaahi Xirsi iyo Afhayeenka Beelaha Gabooye Mudane Kamaal Salaad Hassan oo iyagunna Madasha Ka Hadlay ayaa u Mahadnaqay shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel Doorka ay Kaga Jirto Horumarta Adeegyadda Bulshadda ee dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *