Shirkadda SOMTEL Iyo Doorkeeda Wax Qabad Ee Dhiirri Gelinta Dhallinyarada Somaliland

SOMTEL Oo Ka Dhex Muuqatay Shirka Qorshaynta Shanta Sanadood Ee Dhallinyarada Somaliland

Hargeysa (Foore)- Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda SOMTEL Md. Cabdinaasir Cawad Muuse ayaa sheegay in shirkadda SOMTEL door weyn ka qaadanayso sidii ay u garab is taagi lahayd dhallinyarada Somaliland, diyaarna u yihiin in shirkaddu qayb libaax leh ka qaadato guud ahaan horumarinta dalka, gaar ahaan garab galka dadaalka dhallinyarada Somaliland oo ay yihiin shirkad bulshada wax ku soo kordhisa ee aan kaliya ka shaqaysanayn.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda SOMTEL Md. Cabdinaasir Cawad Muuse ayaa sidan ka sheegay hadal kooban oo uu shalay ka jeediyay shir hawleedka dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ku qabatay Huteel Ambassador oo shirkadoodu SONYO wax ka tartay qabsoomidda shirkaasi ballaadhan oo ah mid lagu diyaarinayo qorshihii shanta sanadood ee soo socda lagu horu marin lahaa dhallinyarada Somaliland, iyada oo wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo dhaqankuba qayb weyn ka tahay qabsoomidda shirkan.

Shirkadda isgaadhsiinta Somaliland ee SOMTEL ayaa door weyn ka qaadatay dhiirri gelinta shirkan muhiimka ah waxaanay sheegeen in ay sii wadi doonaan sidii ay dhallinyarada uga qayb qaadan lahaayeen, taageero buuxdana ugu siin lahaayeen sidii loo gaadhi lahaa himilada aynu dhammaanteen leenahay oo ah Somaliland oo noqota qaran dadkiisu wax qabsadeen oo isku tiirsan.

“Sharaf weyn ayay noo tahay in aanu shirkan muhiimka ah wax ku darsano. Aadbaan ugu mahad naqayaa dhammaan dhallinyarada isaga kala timid gobolada Somaliland ee halkan ku diyaarinaya qorshihii shanta sanadood ee soo socda lagu horu marin lahaa dhallinyarada dalkeena. Ka shirkad ahaan SONYO waanu garab taaganahay waxaanan u ballan qaadaynaa in aanu u noqono shirkad wadani ah oo dadaalkaasi la garab qabata wax kasta oo karaankeeda ah. Xidhiidhka wanaagsan ee noo dhaxeeyaa waxa uu muujinayaa sida dadkani diyaarka ugu yahay in ay si wada jir ah wax u qabsadaan si dalka horumarkiisa looga shaqeeyo” Ayuu yidhi Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda SOMTEL Md. Cabdinaasir Cawad Muuse.

Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalka ka hawl gala ee dhinaca isgaadhsiinta ayaa door weyn ka qaadatay qabsoomiddii koobkii kubadda cagta ee gobolada Somaliland dhawaan isugu tageen gobolka Togdheer, waana shirkaddii hir gelisay in telefishanada iyo idaacadda Radio Hargeysa si toos ah loogala socdo dhammaan geeddi socodkii tartamadaasi kala duwan ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *