BREAKING NEWS
Search

Shirkadda Oman Oil International Oo Xarun Ka Furatay Somaliland

Hargeysa (Foore) )- Febr-28-2013 -Wasiir ku xigeenka hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cali Cabdi Saa’iq, ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay xarun ay ku yeelanayso dalka shirkadda Oman Oil International Company.
Munaasabadda furitaanka Xaruntan oo ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaarada duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga ,Ganacsato, iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka wasaa adda Hawlaha Guud Md. Cali Cabdi Saa’iq oo ka hadlay xafladii furitaanka shirkadan, ayaa tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda maal-gashigu wadanka u leeyahay iyo sida loogu baahan yahay inay Ganacsatada waaweyn ku dhiiradaan maal-gashiga dalka.Isaga oo ganacsatada wakiilka u ah shirkadana ku bogaadiyey dedaalkooda. Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Gudoomiyaha shirkadda C/risaaq Maxamed iyo masuuliyiin kale ee shirkadan ayaa la sheegay inay dalka keenayso saliida Gawaadhida iyo shidaalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *