BREAKING NEWS
Search

Shirkadda Al Harbi Trading Company Oo Soo Bandhigtay Abaalmarino Qaali Ah Oo Ay Ugu Talo Gashay Macaamiishadeeda Somaliland

mqdefaultHargaysa (Foore) Munaasibada Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay ayay Shirkadda Wadaniga ah Al Harbi Trading Company oo Shalay Lagu Qabtay Hutel Hadhwanaag Ee Magaalada Hargaysa isla markaana ay ka Soo Qayb Galeen Ganacsato Tiro Badan Oo ay Wada Shaqayn Leeyihiin Shirkadda Al Harbi, Dhalin Yaro iyo Haween kuwaasi oo Ahaa Dadkii Soo Buuxiyey Foomka Abaal Marinta, iyada oo Munaasibadda Loogu Talo Galay Inu Lagu Shaaciyo Dadkii Ku Guulaystay Abaalmarinta Ay Ugu Talo Gashay Macaamiisha Shirkadda Al Harbi Trading Company.
Munaasibada Abaalmarita macaamiisha waxa ugu horrayn ka Hadalay isaga oo ku Hadalay Magaca Shirkadda Al Harbi Md. Shucayb Macalin Qaasim oo Ka Waramy Siday Shirkadda Wadaniga Ah ee Al Harbi Diyaarka Ugu Tahay Inay Ku Celiso Macaamiishad Kala Duwan Ee Ku Nool Meelkasto ay Degan Tahay Somaaliya Iyo Somaaliland, abaalmarintaasi ayaa isugu jiray qalab aad u farabadan oo Muhiim Ah Oo Iskugu Jira Mootooyin, Mobilada Gacanta Lagu Qaato, Baaskiilado, Laabtobyo, Muraayadaha Tv-Ga, Mishiinada Khudaarta,Kaawiyadaha Dharka, Game-ka caruurtu ku ciyaarto iyo alaabo Kale Oo Tir Badan.
Ugu Horayn Munaasibadda ka Hadlay Md. Shucayb Macalin Qaasima Waxaana Hadalkiisa mid ahaa “Waxaan Aad Ugu Mahad Naqaya Dadka ka Soo Qayb Galay Munaasibada Aanu Ugu Talo Galayn Inaanu Ku Shaacino Dadka uu Guulaystay Abaalmarita Anaanu ku Soo Bandhigno Macaamiisha iyo Waad Argtaan Sida Loo Rogrogayo Waraaqaha Ku Jira Sanduuqa Dadkii Soo Buuxiyey Tigidhaanta Abaalmarinta Waxaanu ku Dadaalay Inaanu Si Cadalaad ah Oo La Wada Arkayo Uu Shaacino Dadka Ku Guulaystay Abaal Marinta Waxaan Ogsoonaahay Intiina Halkan Fadhida Waad Arkaysaan Inta aan Nasiib ka Uu Helin Inay ka Soo Qayb Galaan Waxay Kala Soconayaan Warbaahinta Kale Duwaan Haday Tv-ga Tahay iyo Haday Wargeysyadda. Isagoo Hadalkiisa sii Wata Md.Shucayb Macalin Qaasim Waxa uu yidhi: “Abaal Marinta Maanta aynu Halkan Uu Fadhinaa Waxa Weeye Wajigii Hore oo loogu talo galay inay ka Qayb Galaan 50 Qof, Waxaan Rajaynayaan Intaan Nasiibka U Helin inay Maanta helaan Waxaan Leeyahay Waxa Hadhay Qaybtii Labaad Ee Abaal Marinta Waxaanan Qaban Doonaa Labaaatanka Bisha Feebarweri Ku Dadaal Inaad Ka Qayb Gasho Waxaan Aad Ugu Mahadnaqaya Ganacsatad Halkan Fadhida ee ka Kal Yimid Gobalada, Dagmooyinka Iyo Xaafadaha Magaalada Waxaad Aad Ugu Mahad San Tihiin Sidaad Ugu Adeegaysaan Maacaaamiisha Xidhiidhka Leedihiin Waxaa Noo Wada guul ah Inaynu Maanta Goob Joog u Noqono Abaal Marinta. Shirkadda Al Harbi Maah Markii Uu Horaysay Ee Ay Qabtay Waxayna Qabataa Labdii Sanoba Mar Ay Macaashiida Dib Ugu Celiso faa’iidaada ay ka heshay . Liiska 50ka qof ee abaalmarinta qaatay




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *