Search

Shirkad Telefishanka Qaranka Deyn Lacageed Uga Goosatay Agab Muhiim U Ahaa Baahimaha Tooska Ah

Barnaamijyadii Tooska Ahaa Ee Bulshadu Uga Xidhnayd Oo Hawada Ka Maqan Laba Wiig

Hargeysa (Foore)- Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa labadii Toddobaad ee ugu dambeeyey u xanniban aaladda V-Sat ee Internet-ka ku gudbiya ee xambaara macluumaadka maqalka iyo muuqaalka ah ee lagu baahiyo Dayax-gacmeedka (Satellite) Thaicom kadib markii shirkaddii adeegaasi lahayd ay dayn laba bilood ah ku yeelatay Telefishanka qaranka, taasina keentay in muddo laba wiig ah ay hawada ka maqan yihiin Barnaamijyadii sida Tooska ah uga bixi jiray Telefishanka maadaama aanu jirin agabkii sida degdegga ah Satalaytka ugu tuuri lahaa.
Warar xog ogaal ah oo naga soo gaadhaya Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Hawshaasi khusaysaa isku dayeen in ay dambabasaan sidii ay fadeexaddaasi u qarin lahaayeen iyaga oo shirkadaha SOMTEL iyo TELESOM ka soo qaatay Internet ay barnaamijyada ku baahiyaan balse xawaarihii loogu tala galay maadaama oo aanay shirkadaasi lahayn ay gabi ahaanba baaqdeen barnaamijyadii sida tooska ah u bixi jiray marka laga reebo wararka oo si aad u tamar daran kolba hal item loogu shubayay maalmihii ugu dambeeyey adeegaasi.
Ma jiraan macluumaad maqal iyo muuqaal ah oo lagu baahin karo Telefishanka qaranka wakhtigan maadaama qalabkaasi u xanniban yahay daynta lacageed ee lagu yeeshay wasaaradda Warfaafinta iyo Telefishanka qaranka.
Wasiirka, Wasiir Xigeenka, Maareeyaha Telefishanka iyo Agaasimaha Farsamada ayaa la sheegay in ay dhammaantood xaaladdan la socdaan iyada oo masuuliyiinta hawshani sida gaarka ah u khusaysay ay ku fashilmeen in ay markii hore si cad uga uga warbixiyaan halka cilladdu salak ku haysay iyo sida xaalka dhabta ahi ahaa iyaga oo warbixintoodan ku sheegay oo kali ah cillad dhacday balse markii dambe ay ogaadeen masuuliyiinta oo dhammi sida arrinkaasi u dhacay.
Barnaamijyada sida tooska ah u bixi jiray ee baaqday labadii wiig ee ugu dambeeyey waxa ka mid ahaa Barnaamijka Diinta iyo Nolosha, Barnaamijka Caafimaadka, Barnaamijka Dhambaal ee Salaamaha iyo kuwo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa barnaamijyo si weyn bulshadu ugu xidhnayd si weyna loo tabay maqnaanshahooda.
Fadeexaddan ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii Wasaaradda Warfaafinta lagu eedeeyey musuqmaasuq sida lagu baahiyey warbixintii Guddida daba galka iyo ilaalinta Hantida qaranka halka shantii sanadood ee xukuumaddani joogtayba Telefishanka qaranku ahaa mid mar walba laga soo sheego musuqmaasuq, muranno joogto ah iyo maamul xumo iyo waliba cabashada shaqaalaha oo ahayd mid aan mar kali ah dhammaan.
Wararka naga soo gaadhaya Telefishanka ayaa sheegaya in si aad u tamar daran oo wakhti badan qaadanaysa lagu baahinayay maalmihii ugu dambeeyey wararka uu telefishanku baahiyo halka barnaamijyo kale oo la galiyo xawaaraha liita ee internetku qaadanayso in ay qaarkood ku shubmaan laba maalmood iyo saacado badan. Illaa imika shirkaddii lahayd agabka Internetka ku xidhiidhin jiray macluumaadka ayaan soo dayn lana filayaa in aanay waxba ka qaban arrinkaasi illaa laga bixiyo lacagta daynta ah ee ay sheeganayso oo dhan laba bilood.
Illa imika lama oga tallaabada Wasiir Cukuse ka qaadan karo dhibaatadan la soo gudboonaatay Telefishanka qaranka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *