Shir Lagu Garfanayo Baahiyaha Cisbitaalka Guud Ee Caasimadda Oo Lagu Qabtay Caasimada Hargeysa

 

Hargeysa (Foore) – Shir lagu falanqaynayay baahiyaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa ayaa lagu qabtay cisbitaalkaasi.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen guddida caafimaadka ee gobolka Maroodi jeex, agaasimaha cisbitaalka guud, guddoomiyaha Ha’yada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ,xubno ka tirsan guddida cisbitaalka iyo marti sharaf kale.

Waxa ugu horayn warbixin ka jeedisay agaasimaha cisbitaalka guud marwo Faadumo Cabdi Kaahin, iyadoo ka warantay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay joogtay iyo baahiyaa xilligan taagan ee u baahan in wax lagala qabto.

“Sharaf weyn baa ay ii tahay inaan idin kala qaybgalo shirkan lagaga hadlayo, baahiyaha xasaasiga ee uu u baahan yahay dhakhtarkani, intii aanu joognay haddii aan wax ka tilmaamo waxyaabihii noo hirgalay waxaanu dib u dhis ku samanay waadhadhkii bukaan jiifka, jababka, wadhadhka umulaha iyo qolka degdega iyo qaybo kale oo aanu ku darnay dhakhtarka Hargeysa maanta waxa uu leeyahay ilaa toddoba makhsin oo wax lagu qalo iyo agabkiisii,”ayuu tidhi Faadumo Cabdi Kaahin.

Agaasimaha oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi “Imikana waxaanu wadnaa in aanu xoojino qaybta adeegga ee shaqada, dhakhtarku waxa uu ka kooban yahay laba nooc qaybta bukaan jiifka iyo xanuunada guud iyo cisbitaalka waalida. maanta dhakhtarka Hargeysi waa meel qofku naftiisa ku halayn karo, inkasta oo aanan odhan karin wax waliba wey noo dhan yihiin balse ay jiraan baahiyo u baahan in wax nagala qabto.”

“Mujtamaca waxaan leeyahay suuqa waxaa wareegaaya dadkii waalaa oo u baahan in la soo xareeyo, dadkaasina waa dadkeenii oo u baahan in daryeelkooda aynu sugno, waana qodob muhiima oo ka mid ah ajandaha shirkan, waana arrin u baahan in lays dul taago,”ayay tidhi Agaasimaha cisbitaalku.

Agaasimuhu waxay ku baaqday in bulsho weyntu ay ka qeyb qaadato qaadhaan ururinta si loo daboolo adeegyada uu shacbiga u hayo.

.

Agaasimuhu waxay sheegtay iyadoo dhaakhaatiirtii dalku joogaan haddana ay agab la’aan darteed ay dadweynuhu dibada u tagaan hawlo caafimaad, iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Inaga oo wadankeenii joogna oo dhakhtaradii haysana ayaynu dibada caafimaad ugu baxnaa, balse waxa innaga maqani waa agabkii lagu shaqayn lahaa iyo dhakhtaradeenii oo la gaadhsiiyo cilmiga dibadda loogu baxayo in dalka laga helo. Waxa mahad leh dawlada maanta joogta ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed maxamed Maxamuud (Siiaanyo) waxaan filayaa wuu ku taagan yahay balan qaadkiisii ahaa wax ka qabashadda caafimaadka.”

waxa isaguna shirkanka hadlay guddoomiyaha guddida caafimaadka ee gobolka maroodijeex Dr Aadan Yuusuf Abokor oo ugu baaqay in mujtamaca Somaliland inay kaalin ka geysteen qaadhaan ururin loo samaynayo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee cisbitaalka guud. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Md. Axmed Muxumed Madar.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *