Search

Shir lagu darsayo waxyaabihii Somaliland u hirgalay oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa(foorenews)-shir balaadhan oo lagu gorfaynayo waxqabadkii Somaliland u hirgalay mudadii labaatanka sano ahayd ee ka soo wareegtay markii ay Madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay ayaa maanta ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa.

Sidaanu ka soo xiganay wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA Shirkan oo uu soo qabanqaabiyey Machadka cilmi baadhista & horumarinta ee SORADI ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano, salaadiin, Aqoonyahano, Culima’udiin & xubno ka socda hay’adaha maxalliga ah ee wadanka.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka & Horumarinta Dr Sacad Cali Shire oo kulanakasi furay ayaa warbixin dheer oo uu halkaasi ka soo jeediyey kaga waramay waxyaabahii u qabsoomay Somaliland mudadii labaatanka sano ahayd ee ka dambaysay markii ay dib ula soo noqtay madaxbanaanideeda, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha.

Dhinaca kalena wasiirku waxuu sheegay inay Mustaqbalka u qorshaysan tahay sidii awoodda loo saari lahaa kor u qaadida dhinacyada nabadgelyada, aqoonta, dhaqaalaha, wax soo saarka beeraha iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah oo ku filan guud ahaan bulshada Somaliland.

Agaasimaha machadka cilmi baadhista bulshada iyo horumarinta Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha shirkani lagu falanqayn doono ay ka mid yahiin doorashooyinkii iyo dimuqraadiyadii ka hanaqaaday Somaliland iyo guud ahaanba waxii u qabsoomay Somaliland mudadaasi.

Waxaa iyana kulankaasi oo socon doona muddo labo maalmood ah ka hadlay Mr Macheal Walls iyo Hodan Cilmi oo labadooduba hadda ka hor qoraallo ka sameeyey horumarka ay Soaliland ka samaysay dhinacyada maamul wanaagga iyo dimuqraadiyadda ku dhisan aasaaska dawlad sharcigu hogaamiyo.

Gabogabadii, Waxay Baaq Nabadeed u direen Beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Sanaag ee dhawaan Shaqaaqadu dhex martay, kuwaas oo ay ka dalbadeen inay u dhego nuglaadaan Go’aamadda Nabada u Adeegaya ee ay ku hawlan yihiin Ergada dhexdhexaadineed ee ku gudo jira xal u helida arrintan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *