BREAKING NEWS
Search

Shir Ku Saabsan Joogtaynta Talaalka Xoolaha Oo Hargeysa Ka Furmay

Hargeysa (Foore)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Maxamud Axmed Caga-weyne ayaa hadal ka jeediyay kulan hawleed dib loogu eegayo xog ururin laga soo sameeyo in xoolaha Somaliland ay wada heleen talaalkii ay u baahnaayeen.
Shirkan oo hal main socday waxa soo qaban qaabisay hay’ada FAO ,waxaana ka qayb qaadanayay labaatan dhakhtar oo ka tirsan wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland Dr. Caga weyne ayaa ka waramay kaalinta ay xooluhu kaga jiraan dhaqaalaha Somaliland, waxaanu iftiimiyay inay wasaarad ahaan xil iska saareen sidii ay Xoolaheenu u heli lahaayeen talaalka ay u baahan yihiin.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in ilaalinta caafimaadka iyo daryeelka xooluhu ay tahay waajib saaran Xukuumada iyo hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso,isagoo intaas ku daray inay haboon tahay sidii loola socon lahaa xoolaha isaga gudbaya Xuduudaha Somaliland iyo dalalka kale ee mandaqada.
Dr Caga Weyne waxa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa xog ururin rasmi ah oo ka turjumaysa sida uu talaalku u wada gaadhay gobolada Somaliland iyo sida loogaga faa’iideeyay xoolaha.
Sidoo kale Dr Axmed Caydiid oo ka socday hay’ada FAO ayaa sheegay in Mashruucani uu mudaba soo socday isla markaana ay wasaarada xanaanada xoolaha kala shaqaynayaan sidii loo hubin lahaa in talaalka xooluhu uu wada gaadhay gobolada dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *