Shir-Guddoonka Wakiilada Oo Sheegay Inaan Dastuurku Haweenka Kooto U Ogolayn, Goluhuna Sharci Ku Diiday Soo Jeedintii Madaxwaynaha

Hargeysa (Foore)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay sababta Mudanayaasha Wakiiladu ku diideen ansixinta kootadii haweenka iyo dadka la hayb-sooco.
Md Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in kootadani ahayd tallo soo jeedin Madaxwaynuhu u gudbiyey golaha Wakiilada, isla-markaana ay Mudanayaasha wakiilada hor-geeyeen si ay uga doodaan isla-markaana ugu codeeyaan, balse Mudanayaashu cod ku diideen in kootadaasi la dhaqan-galiyo, iyagga oo cuskanaya dastuurka Somaliland oo aan ogolayn in cid gaar ah kuraas kooto loogu xidho.

Baashe Maxamed Faarax oo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Soo Jeedinta Madaxwaynaha ee ah in haweenka kooto loo xidho, waxaanu horgaynay golle-weynaha Wakiilada, Mudanayaashiina waxay yidhaahdeen halaga saaro ajandaha, waayo dastuurka Qaranka ayay ka soo horjeedaa, mar labaad ayaanu ku soo celinay si goluhu uga doodaan, xildhibaanadiina waxay yidhaahdeen halaga saaro ajandaha oo sharci ayay ku diideen oo cod ayay ku diideen”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada Somaliland, waxa kale oo uu soo qaaday “Dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay waa loo siman yahay, wax kooto la yidhaahdaana kuma jirto, dastuurkana lab iyo dhedig waa loo wada siman yahay, markaa sidaa ayay u yidhaahdeen xildhibaanadu way uga soo horjeedaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dumarka waanu la wada jecelahay inay kooto heleen oo waa walaalahayo oo waa hooyooyinkayo, waanuna ognahay inay dhibaato ku tahay haddii ay tartanka toos u galaan, laakiin wax walba waxa ka weyn shuruudda dalka u taala, sharciga waxa lagu dhowrayaana waa in wixii cod la galiyo, codkiina waala galiyey oo way ku waayeen”

Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in soo jeedinta Madaxwaynuhu aanay kooto ahayn “Soo jeedinta Madaxwaynaha may ahayn kooto” ayuu yidhi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *