Search

Shir Farsamo Oo Lagaga Hadlayey Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya Oo Burburay iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Warwareegaysa Fulinta Heshiiskii Hawada Ee Somaliland iyo Somalia.

Hargeysa(Foore) – Wasaaradda duulista iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland ayaa sheegtay in hay’adda ICAO ka meeraysanayso in maamulka hawada laga dhigo Hargeysa sidii hore Somalia iyo Somalilang ugu heshiiyeen, iyadoo sidoo kalena Somalia ka baxday guud ahaan heshiisyadii dhinaca maamulka hawada.
Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan, Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista oo shir ku saabsan sidii Somaliland iyo Somalia u wada maamuli lahaayeen hawada kaga qayb galay Nairobi ayaa sharaxaad ka bixiyay arrimaha shirkaasi ku gadaannaa iyo mawqifka Somaliland.

“ Maalintii Salaada ee 7/7 ayaanu ka soo amba baxnay dalkii aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hayada ICAO nagu casuuntay anaga iyo guddi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Soomaaliya.
Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu (stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faa’iidaysan lahaayeen.

Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Soomaliya ogolaatay saxeexdayna in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaliya la dajiyo caasimada Hargeysa iyada oo ay maamulayaan guddi isku dhaf ah , isla markaana tiraba dhawr jeer hayada ICAO ku cadaysay dhamaan Qiimaynadeedii in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeysa.

Waanu ka xunahay in dawladda Soomaalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.

Waxaanu shacbiga reer Somaliland la socodsiinaynaa in shirkii farsamada ahaa na loo soo bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Soomaaliya, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.

Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu ka mid ahaa safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya oo xubin sharafeed ka ahaa shirka hortooda ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada.

Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.

Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *