Shimbir Dhaawac Hawada Sare Ugu Gaysatay Diyaarada Siday 151 Qof Oo Rakaab Ah Una Kala Gooshaysay Gudaha Wadanka Maraykanka

Denver (Foores) Aug, 1, 2012- Duulimaad ay subaxnimadii Salaasadii ay samaynaysay  shirkadda diyaaradaha United Airlines ee dalka Maraykanka,  ayaa  dhaawac fudud  ay u gaysatay shimbir ,xilli ay diyaarradu ka kacday garoonka diyaaradaha  ee Magaalada Denver ee gobolka Colorado.

 

uulimaadka United oo ahaa sumadiisu ahayd 1475, ayaa siday 151   rakaab ah,  waxaan ay ku sii jeeday  Magaalada Dallas ,iyada oo isku dhacu oo ku dhacay  xilli diyaaradu ay ku jirtay meel garoonka Magaalada Denver u jirta  25 Ml  sida ay sheegtay  af-hayeen u hadashay madaarku.

 

Diyaaradu ayaa soo cago dhigatay,iyada oo aanu ka muuqan dhaawac weyni,laakiin , waxa la arkayay dalool kaga yaalla afka hore iyo daaqada  duuliyaha, waxaana waaxda gaadiidka cirka iyo amaanka loogu baaqay in ay samayso baadhitaan .

 

“Ma jiro wax dhaawac ah oo laga soo weriyay diyaarada  Boeing 737, waana la baadhayaa  oo la kormeey, ayuu yidhi  fa-hayeen u hadlay shirkadaas Christen David.



Maxamed Boosh.

SOURCE : NBC

 

Foorenews/General Editor




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *