BREAKING NEWS
Search

Shil Gaadhi Oo Shalay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Iyo Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Ku Naf Waayay

Berbera, April 14, 2018- (Foore)- Alle ha unaxariistee sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdi Cabdilaahi Warfaa (Cabdiweli) iyo qof shacab ah oo lagu sheegay nin ajaanib ayaa Shalay galabtii ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka tuulada xamaas ee Magaalada Berbera kadib markii ay isku dhaceen Gaadhi bas ah oo ay leedahay shirkada socdaalka ee Bari Iyo Galbeed.
Shilkan oo ka dhacay duleedka Berbera ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawac, sida ay warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Taraafikada gobolka Saaxil Shaakir Cismaan Nuur.
Shilkan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen mid kamida Baabuurta Basaska dhaadheer ee ay leedahay shirkada Bari iyo Galbeed iyo Gaadhi Landcrusel ah oo ay wateen saraakiil ka tirsan ciidanka Bada Somaliland iyo nin Cadaan ah.
Taliyaha ciidanka Taraafikada Gobolka Saaxil oo shilkaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Shilkan waxaa ku dhintay Sarkaal ka Tirsanaa Ciidanka bada Somaliland Oo lagu magacaabo Marxuum Cabdi Cabdilaahi Warfaa (Cabdiweli), iyo Nin cadaana oo la socday, Waxaana Dhaawac Soo Gaadhay darawalkii Baska Shirkada bari iyo galbeed”.
Taliye Shaakir waxaa uu Intaa ku daray Isagoo Ku Sugan Goobtii Shilku ka dhacay in ay Baadhayaan gaadhiga qaladka lahaa, ragii dhintay iyo Dhaawiciina ay u Gudbiyeen Magaalada Berbera.
Shilalka Gaadiidka ayaa noqday dhibaato weyn oo shacabka iyo dawladdaba culays weyn ku haya iyada oo sannadkiiba dad fara badani ku dhintaan kuwo kale oo badana ku dhaawacmaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *