BREAKING NEWS
Search

Sheeko Kale Keen: Xukun Qarqoosh – Waa Mayde Aasa! W/Q Prof. Cabdisalaam Yaasiin

prof-YaasiinWaxa sheekooyinka Amiir Qarqoosh ka mid ah in meel uu joogay buuq ka dhacay. Buuqii ayuu u kuur galay inuu hubsado. Wuxu arkay mayd la sido oo qaylinaya. Maydku wuxu leeyahay, “Waar waan nool ahay! Waar ma dhimanine i dhiga oo nacashka iga dejiya!” Dadakii maydka siday iyo dadkii jinaasadda buuqa kicisay la socday markii ay Amiir Qarqoosh arkeen ayay istaagan. “Maxaa jinaasadda buuqan ku kiciyay?” Ayuu weydiiyay Qarqoosh. Qoladii maydka siday ayaa u jawaabay oo yidhi, “Amiir Qarqoosh, maydkuwaa aabahyo oo dhinta. Waanu soo maydhnay oo soo kafanay. Imikana waxanu u sidnay masaajidka si loogu tukado.” Amiir Qarqoosh maydkii ayuu ku yidhi, “Maxaad arrintaa ka leedahay?” Maydki wuxu ugu jawaabay, “Amiir ma dhiman ee waan noolahay. Inaan nolahayna waxa kuu caddaynaya waanaga hadlaya. Nimakan i sidaa waa inamadaydii. Nin xoolo lehna waan ahay. Arrintuna wax kale ma aha ee waxa doonayaan inay xoolahaas dhaxlaan.” Dadkii jinaasadda la socday, oo inamada saaxiibadood ah, ayuu Amiirki la hadlay oo ku yidhi “Idina maxay idinla tahay?” Waxay ugu jawaabeen, “Amiir, sidaa inamadu yidhaadeen, abahood waa mayd. Waanu soo maydhnay oo soo kafanay. Imikana masaajidka ayaanu u sidnaa si loogu tukado.” Amiir Qarqoosh inta uu ninkii maydka ahaa ee noolaa la hadlay ayuu ku yidhi, “Ma waxad doonaysaa inaan dadkaas oo dhan beenyo oo aan adiga ku rumaysto!? Mayd baad tahay! Waar waa mayde aasa!!! W/Q Prof. Cabdisalaam Yaasiin




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *