Sheekh Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Siyaasad Xumada Xukuumaddeena Ee Ku Aaddan La Macaamilka Itoobiya Kuna Baaqay In Sharka Oromada La Iska Mooso

Hargeysa, 16 Sept 2017, (Foore)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dadkii Soomaalida ah ee Qoomiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya ay Toddobaadkii hore ku laayeen Magaalada Hawaday ee u dhaw magaalada Harar.
Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Sida uu u arko inay Dawladda iyo Shacabka Somaliland uga gaashaaman karaan dhibaatooyinka Qoomiyadda Oromada iyo sida loola dhaqmayo Dadka Oromada ah ee Xilligan Somaliland ku dhaqan.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi: “Waad ogtihiin, Hawaday waxa laga laayey Dad badan oo Dadkeena ka mid ah oo Muslimiin ah, oo ah Dadkii Dalkan Somaliland u dhashay ah, waxa lagu laayey Dad kale oo Soomaali ah. Itoobiya waxa ku nool Muslimiin Boqolkiiba Lixda ah oo la gumaysanayey Muddo dheer, iyagii (Muslimiinta Itoobiya) waxa iyaga oo aan is ogayn loo isticmaalayaa inay innaga dhib inna gaadhsiiyaan, Arrintaasina waata loo baahan inaynu Maanta si Xikmad iyo Caqli ah uga fikirno. Dadkaa Muslimiinta ah ee la laayey ILAAHAY Dambigooda ha dhaafo, Ehelkoodiina Cawad haka siiyo.”
Sheekh Aadan waxa kale oo uu ka hadlay “Muddo Toban Sannadood ah ayaanu ka hadlaynay oo aanu lahayn Dadkaa Itoobiyaanka ah aynu si Xikmad iyo Caqli ah Dalka uga joojinno, Waayo? iyagu istaadhan yihiin oo waalla isticmaalayaa, innaga dhib badan ayay inna gaadhsiinayaan. Tan Maanta joogta iyo Xukuumadihii ka horreeyay way ka seexdeen. Marka laga tago intan dhibaatadu dhacday waxa Guryaheenna (Shaqaale) ka ahaa Dad Itoobiyaan ah. Maaha inaynu baraarugno marka Arrin yari dhaco oo aynu Qiiroonno, Waayo? Dal iyo Dad laguma hoggaamiyo Qiiro Maalmo ah, ee Istaatiijad inta dhow iyo inta Fog loogu Talo-galay ayaa lagu hoggaamiyaa. Wax badan waynu ognahay, wax badana ma ogin, laakiin waxaan idiin sheegayaa Dalkani wuxuu noqday Dal aanu Wadaadkii, Taajirkiisii iyo kii Haystay ee Dadku doorteen aanu u fikiraynin. Ummaddeena oo dhamina waxaynu ka siman nahay in Qofku is yidhaahdo Adiga maxay Dani kuugu jirtaa, Dalna kuma dhismo Adiga maxay Dani kuugu jirtaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Arrintaa Oromada si Xikmad leh aynu uga baxno, Xukuumaddana waxaanu kula talinaynaa in Xadka la adkeeyo, Wajaale ayay inta ugu badan ka soo galaan Dalka, Baabuurta soo qaadda waalla yaqaanaa, Cidda soo Tahriibisa waalla yaqaannaa, illaa Boosaaso ayaa la inoo dhaafiyaa oo Lacag baa laga qaataa. Laanta Socdaalka (Wajaale) hala xoojiyo, waxaynu u iibinaynaa Dhowr Bas iyo Dhowr Shaamboo (Gaadiidka Xamuulka), waxaynu ka bixinaynaa Shidaalka, si ay Waddanka uga saaraan si Nabadgalyo ah (Oromada), kuwa Sharciga ku joogana hala yidhaahdo Hay’adaha wax siiya Xero u sameeya oo Dhul la siiyaa, markaa waa inay Xeradaa ku ekaadaan.”
Sheekhu wuxuu ka digay in la waxyeeleeyo Dadka Oromada ah ee Somaliland ku dhaqan “Oromadu waa Dad Muslimiin ah oo ay dhinac iska hayaan Kiristanka xaggaa ka jira (Itoobiya), markaa waa inaynu Sharkooda iska bedbaadinaa, iyagana aynaan ku sii Xad-gudbin, maaddaama ay yihiin Dad Muslimiin ah oo Itoobiya dhib badan ka hayso. Markaa innaga oo Caqligeena isticmaalayna waa inaynaan gelin Dagaal aan inoo oollin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dhaqaale badan uu Dhanka Somaliland uga tago Itoobiya, laakiin Safaaraddooda Hargeysa aanay sidii la rabay ula Macaamilin Shacabka Somaliland “Dhibaatada jirtaa waxa weeyaan halkan (Somaliland) ayaa lagaa siinayaa Fiisihii (Itoobiya), haddana Sharabbaadaada ayaa la baadhayaa (Gudaha Kililka), waa dhibaato Dadka haysata, Dawlad u hadlaysaana ma jirto’ ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
“Miisaaniyadda Itoobiya boqolkiiba 30 ayaynu innagu bixinaa, haddana Safaaraddooda halkani (Hargeysa) waxay doonaysaa inay Maalintiiba Hal Qof Fiise siiso, markaa waa inuu jiraa Xayn-daab inoo dhexeeya oo aynu ku wada Qanacsannahay.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan Siiro).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *