Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Dayriyey Nolol Xumada Umadda Haysata Iyo Beenta Siyaasiyiinta Maanta Kuna Baaqay In Umadda La Mideeyo Ee Aan Kursi uun Laga Raadin

Hargeysa, October 28, 2017, (Foore)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey Aadan Siiro ayaa walaac weyn ka muujiyey sida aanay dalkeena maanta uga shaqaynayn sharciga iyo dawladnimadu isaga oo sheegay in la iska indho tiray digreetooyinkii Madaxweyne Siilaanyo ku amray in aan hantida dawladda iyo gaadiidka dawladda lagu ololayn iyo sidoo kale amaradii Komishanka ee dhinaca kaambaynka oo aan waxba la isaga tirin isaga oo Sheekh Aadan Siiro dhinaca kale sheegay in umaddii baaba’day dadka siyaasadda u taagan ee kursigu u muuqdaana aanay waxba umadda u qabanayn.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) waxa uu sidan ku sheegay khudbaddii salaadda Jimce ee uu shalay ka jeediyey Masaajidka Xawaadle waxaanu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya yidhi:
“Imika meeshan yar ee la isku dilayo adeer maxaa yaalla?. Waxa yaalla maanta Hargeysa waxa ku nool Hal Milyan iyo saddex boqol oo kun oo qof. Maalin walba oo aan shaqo tago salaadda subax kadib qof iga aqoon badan iga karti badan oo dalkan wixii la soo gashaday iiga badan oo iga badsaday ayaad la kulmaysaa inta aanay toddobada aroornimo gaadhin. Waxa uu ku leeyahay caruurtaydii xalayna waxba looma Karin berrina wax ay karsadaan ma hayaan. Bal maxaad u malaynaysaa inta kale ee aanad garanayna subxaanallaah. Waxaa maanta dadka loo wareerinayo ee intaasoo haween ah iyo intaasoo caruur ah loo soo saarayo, ee intaasoo hanti ah loo luminayo. Shalay waxa aan tagay Degmada Faraweyne. Yar wadaad ah oo ayaa ila soo hadlay. Ma garanayo muuqaalkiisa. Waxa uu igu yidhi adeer Aadanow Masaajidka waxa aannu ku taganaa sibidh adag oo aan gogol lahayn. Bal Masaajidka kaalay oo nala soo yar eeg. Xataa waxa uu yidhi makarafoona ma jiro dadka loogu aadaamaa oo makarafoono ma leh masaajidku sidoo kale. Wuxuu ii sheegay masaaxaddii Masaajidka sidii ayaanan ku iibinay Kaarbatkii Masaajidka lagu goglayay. Sidoo kale waxa aannu qaadnay ambarafaayarkii iyo shan makarafoon. Faraweyne waa halkee?, waa degmada maanta ay 40 Tuulo hoos yimaaddaan ee ugu ballaadhan marka maanta hawdka la tago gaar ahaan dadka dega Galbeedka, Woqooyiga iyo Hawdka Hargeysa dadka dega marka hawdkooda la tago waa degmada ay hoos yimaaddaan 40 Tuulo. Dadkaa magacyada sheeganaya subxaanallaah. Waxa aannu tagnay Masaajid sibidh ah oo qofka ku xigaa aanu aadaankiisa maqlayn. Waxaan tusaalahaasi uga jeedaa umaddu maanta halka ay marayso. Degmooyinkoodii ugu ballaadhnaa ayaa sibidh lagu tukanayaa oo aan makarafoon iyo waxba lahayn. Umadi marka ay wax noqonayso waa marka masaajidku wax noqonayo, umaddani marka ay wax noqonayso waa marka masaajidka looga arrimiyo, waa marka acyaanteeda iyo dadkeeda wanaagsani ay wada tashiga iyo shuurada ka bilaabaan masaajidka halkaasi ugu weyn ee jira. Masaajidkaasi waa kii salaadda Jimce lagu tukanayay. Innaguna maanta caalam al khayaal ayaynu ku jirnaa. Suldaankeennii, wadaadkeennii, Taajirkeennii, Aqoonyahankeennii, caalam kale ayaan ku jirnaa. Waxa aynu ku jirnaa nolol dhalanteed ah.”
Sheekh Aadan siiro oo khudbaddiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Saddexda aannu Ilaahay maalinta Qiyaame eegayn waxa ku jira nin masuul ah oo dadka beenta u sheega. Nin sheekh ah oo caalim ah oo mustakabir ah oo kibir badan iyo nin faqiir ah oo kibirsan oo aan dantiisa garanayn waana taasi maanta keenaysa in dadkeenii oo gurigiisii lagu bakhtiyayo ee doonaya in uu qaato boqol Kun oo shilin Somaliland ah in uu qaad ku cuno ama qof ugu qaado iyada oo laga yaabo oo ay dhacayso in guriga uu ka soo toosay in intaasi oo caruur ahi aanay dugsi tagin ama aanu caafimaad wanaagsan hayn. Waar dadka beenta halaga daayo. Ama suldaan ahaw, ama musharrax ahaw, ama siyaasi isku sheeg ama aqoonyahan sheego waar dadka beenta halaga daayo. Waar beenta dadka isku diraysa halaga daayo. Waar umadda sidan halaga daayo. Dadkaa masaakiinta ah ee ciidda cunaya ee aan maanta caafimaad haysan, waxbarasho haysan, nolol aan haysan waad ogtihiin maanta Hargeysa inta Biyuhu u jiraan. Foostadii ayaa 15-kun oo shilin laga siinayaa oo qaarkood Biyihii dawarsanayaan Hargeysa badhtankeeda. Hargeysa maanta Afar meelood marka loo qaybiyo qayb aad u yar ayaa hesha. Umadda noocaas ah ninka u badheedhaya in uu halkaasi fadhiisto tani maanta maaha tii ay umaddu ka heli lahayd wax dhibka ka saara. Iyada oo ay sidaa tahay xaaladdu ayay haddana dhacday in dadkii la collaysiiyo, Maxaad ku fali adeer dawladnimo aan Hargeysa midaynayn?, Waxa aynu u baahanahay dawlad umaddaa Afartaa Milyan iyo badhka ah midaysa. Waar dadka naxliga halaga daayo. Cidda uu doono ha ahaado cidna laga yeeli maayo maanta. Ilaahay Doorashadii si nabad gelyo leh ha innoogu dhammeeyo kuwii dantooda garta aan noqono. Sharciyadii Komishanka iyo digreetooyinkii umadda ayaan ”. Ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *