Sheekh Aadan Siiro Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey 30 Dhalinyaro Ah Oo Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Barashada Taariikhda Islaamka
FooreNews

Smiley face

Smiley face

August 17th, 2012
Sheekh Aadan Siiro Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey 30 Dhalinyaro Ah Oo Kaalmaha Hore Ka Galay Tartankii Barashada Taariikhda Islaamka

Hargeysa (Foorenres)  Sodon Arday oo ka qaybgalay tartan aqooneed  Diini ah oo mudo toddobaad ah ka socday Maasjidka Quba ee Magaalada Hargeysa ayaa la Gudoon siiyey abaal marin lacageed.

 

Tartanka dhalinyaradan oo muddo casharo ku saabsan barashada Taariikhda Islaamka  ku baranaysay Masaajidkaas, waxa  daruustiisa bixinayay Sheekh Maxamuud ( Aadan Siiro) oo sannadkasta  bisha  Ramadaan  casharada ka bilaabay  Masaajidka Quba.

Waxaana uu Sheekhu abaamarino lacageed guddoonsiiyay 30 dhalinyaro ah,iyada oo tiradu ay  sannadkan ka badan tahay tii sannadihii hore oo ahayd 20 qof, waxaana  taasi sabab u noqotay  dhalinyarada  oo doonaya in  ay kor u qaadaan fahamka  Diinta iyo barashada taariikhda Islaamka.

Sheekh Aadan Siiro oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Ujeeda aynu ka leenahay hore yaynu u tilmaanay midi waa  in aynu  ku noolayno  dadkii wanaagsanaa  ee saalixiinta ahaa ee Ilaahay  Qur’aanka ku sheegay dadkaa Ilaahay Qur’aanka ku sheegay  ee la leeyahay  Ilaahay raali buu ka noqday  iyagun raali bay ka noqdeen  in aynu noolayno noloshoodii  oo aynu ku dayano  weeye  iyo in aynu  Ramadaanta  ictikaaf  ku noolayno  yay muhimadu ahayd , jaa’isadan waa wax kooban oo aynu ugu talagalnay oo xaqal ciidka uun ah “ ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Waxa  kaalimaha  hore  ka  galay  tartankii  Siirada  .

1- Cabdiwaaxid Cumar Sheekh Mubaarak  oo helay dhibco dhan %91., waxa uu helay lacag dhan 600,000  SL SH

2- Axmed –Daahir Ibraahim Cali   oo keenay  dhibco ah %90, waxaana uu qaatay 500. 000 SL SH.

3- Cabdixakiim Daa’uud Ciise  waxa uu keenay  dhico %89 waxa  uu qaatay lacag dhan  400,000.

Waxa kale oo iyana  lacagta abaalmarinta qaatay 27 qof oo kale oo tartankaasi ka qayb galay.

 

 

 

 

Featured

  • Dhamaan Hawlwadeenada Wargeysa Foore Iyo Shabakaduba Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Reer Cabdi Hilqad Geerida ku Timid Aabbohood!!!!!!
  • Shirqoolka Yuusuf Dirir Cabdi “Nimaan ku aqooni ku ma qiimayn karo!” Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
  • Guddoomiye Saleebaan Oo La Kulmay  M/Siilaanyo Kuna Adkeeyey In Aanu Marnaba Ku Fikirin  Wax Ka Badal Lagu Sameeyo Go’aankii Guurtida
  • ????????????????????????????????????
  • “Annagu (UCID) Xal Siyaasi Ah Ayaanu Lanimid Laakiin WADDANI Iyo Kulmiye Iyaga Uunbaa Isku Muuqda”Cali Guray
  • M/Siilaanyo Oo Masuuliyiin Cusub U Kala Magacaabay Maxkamadda Sare Iyo Safaaradda Somaliland ee Itoobiya
  • Maamulka Muqdisho Oo Qirtay In Ay Iyagu Dileen Xildhibaan Yuusuf Dirir Oo Ka Jeeday Somaliland
  • Heshiisyada Wasaaradda Macdantu  Waa Qayrul Sharci, Dekadda Berbera Waa Xaraan,Xukuumaduna Dilaalis Ayay Wadaa
  • Kooxdii Dishay Yuusuf Dirir Cabdi oo la aqoonsaday cida ay yihiin iyo halka ay katirsan yihiin
  • XUKUUMADDA SOMALILAND OO KU DHAWAAQDAY INAY JOOJISAY QAXOONTIGII YEMEN
  • MADAXWEYNE SIILAANYO OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE SOMALILAND
  • Daawo:Fadeexadii ka dhacday Xuskii 18 may ee Magaalada Oslo iyo Wasiirkii Beeraha S/L Ee Hargaysa laga soo Casuumay Oo Qaab Aad u Fool Xun loola dhaqmay.
  • English Poem for Somaliland – Adnan Abdi Shadiro
  • Cristiano Ronaldo Oo Xaqiijistay Hanashada Abaalmarinada Pachichi & Kabta Dahabka Yurub Isagoo Dhaliyay Goolashiisii Ugu Badnaa Ee Hal Xilli Ciyaareed.
  • Wareegii Labaad ee Wada-hadalkii Mucaaridka Iyo Xukuumadda Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday
  • “Diyaaradihiibaa Waxay Leeyihiin Qof Jaban Ma Qaadno, Waxan Hadda Is Leeyahay Somaliland Miyaan Dad Hore Ka Jajabi Jirin”
  • Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Muddo Kordhintii Golahoodu Sameeyey Ku Tilmaamay Mid Distoori Ah, Beesha Caalamkana Farta Ku Goday
  • Waa Maxay Mawqifka Kama Dambaysta Ah Ee  WADDANI Saaka La Shir Tagayo Kulanka Xisbiyada Iyo  Natiijada Kulankii Ugu Dambeeyey Ee Diyaar-Garawgiisa?
  • Xuutiyiinta Yemen Oo Shidaalkii Ugu Badnaa Shalay Looga  Raray Saylac Iyo Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo Ka Warbixisay
  • Xildhibaan Golaha Deegaanka Burco Ka Tirsan Oo Eedo Culus U Soo Jeediyay Maayarkooda, Qaylo Dhaana Ka Soo Saaray Dhulka Danta Guud
  • Cabdiweli Gaas Oo Shalay Ku Dhaqaaqay Qorshe Isimada Majeerteen U Dejiyeen Sidii Ceerigaabo Ugu Xidhmi Lahayd Boosaaso
  • Alshabaab Oo Saddex Magaalo Oo Dalka Kenya Ah Qabsatay Calankoodana Ka Qotomisay
  • Xaabsade Oo La Sheegay In  Uu Durba Saluugay Maamulka Puntland Ee Cabdiweli Gaas
  • Maraykanka Oo Shaaciyey Qoraalo Uu Ka Mid Yahay Mid Cusaama Bin Laadin U Soo Diray Axmed Godane
More wararka