Sharci Ku-Kala Bixid Mise Dhexdhexaadin- Qalinka: Cali Cabdi Coomay

Eeg Inta Khilaaf Ee Dhexdhexaadinta Lagu Xaliyey
Tan iyo markii loo codeeyey distoorka Soomaalilaan oo ahayd sannadkii 2001-dii, wuxuu dalku yeeshay distoor lagu dhaqmo oo lagu kala baxo, balse waxa ay ayaandaradu tahay mar kasta oo uu dalka ka dhaco khilaaf siyaasadeed waxa lagu kala baxaa dhexdhexaadinta Golaha Guurtida oo dhinca kastaa ku qanco. Guurtidu dhexdhexaadinta waxa ay ku saleeyeen xalka iyo maslaxad guud ee markaasi ay ula muuqato, mana daliishadaan sharci iyo xeerarkii dalka u qornaa. Inta badan waxa ay wax ku xaliyaan, isu-tanaasul, talo-odaytinimo, maslaxad guud iyo danta qaranka.
Qormadan waxa aynu ku soo bandhigi doonaa khilaafyadii siyaasadeed ee dalka gilgiley, ee xalka Guurtida lagu dhameeyey, balse aan sharci lagu dhammayn.
Badhtamihii sannadkii 2014-kii wuxuu khilaaf culusi soo kala dhexgalay xisbiga KULMIYE oo khilaafkaasi dartiina laba dhinac u qaybsamay. Waxa markiiba soo kala dhexgalay Golaha Guurtida oo u saaray guddi soo af-jarta khilaafkaasi. Guddigii Guurtidu wuxuu soo saaray saddex qodob oo dab-damis u noqday dabkii khilaafka. Nuxurka qodobadaasi waxa ay ahaayeen. Kow, in wixii ka soo baxay shirweynihii 3aad ee xisbiga KULMIYE ee loo gudbiyey Madaxweynaha iyo guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta uu dhaqan gal yahay. Laba, in uu madaxweynuhu xaq u yeelan karo iyo qof kasta oo dalka maxaweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto labada teeram ee distoorku u jideeyey. Saddex, waxa reeban shacaa’ir kast oo muujinaya astaan musharax inta doorashada ka horaysa. Afar, in wixii dad loo xidh-xidhay arrimaha khilaafka la soo daayo. Hadaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeyi, maxay ugu kala bixi waayeen sharcigii u yaalay xisbiga KULMIYE, halka ay Guurtidu u yeedhisay go’aan ay xal u aragtay? Halkuu maray sharcigii xisbigu? Halkaasi waxa inooga soo baxay in aan lagu kala bixin sharcigii xisbiga KULMIYE u yaalay, laakiin lagu wada qancay xalkii Golaha Guurtida.
Horaantii sannadkii 2013-kii wuxuu khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaalilaan iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Khilaafku wuxuu salka ku hayey hawl dhinaca shaqada ah, markii khilaafku muddo socday waxa soo kala dhexgalay xubno isugu jira shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada. Aakhirkii waxa dhacay in la soo af-jaro khilaafkii. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay madashii lagu soo af-jaray khilaafka ayaa yidhi” shirguddoonka labada Gole oo ay weheliyaan odayaashii ugu cuslaa Soomaalilaan ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi-waraabe iyo Muxumed Aw-Axmed, markay eegeen marxalada guud ee dalku marayo haddii ay tahay xagga amniga iyo siyaasada waxa ay garteen in ay soo af-jaraan khilaafkii ka dhexeeyey madaxda Qaranka. Waanu dhegaysanay labada dhinaca, waxa ay nala qaateen in ay danta guud ee Qaranka eegaan oo ay khilaafka soo af-jaraan.” Wuxuu intaasi ku daray in ay ku heshiiyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenku in ay si wada jir ah gacmaha isu-qabsadaan. Halkaasina waxa sida oo kale inooga cad in xal iyo xeer-jabab lagu kala baxay, balse aan sharci lagu kala bixin.
Dabayaaqadii sannadkii 2014-kii wuxuu khilaaf soo kala dhexgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweyne Axmed Siilaanayo. Khilaafka ayaa salka ku hayey mooshin xilka lagaga qaadayey guddoomiye Cirro, oo ka dhexsocday Golaha Baaralmaanka, kaasi oo uu Cirro ku eedeeyey madaxtooyadu in ay wado, balse madaxtooyada ayaa ku gacansaydhay in ay arrintaasi ku jirto. Markii khilaafku kululaaday ayey Golaha Guurtidu soo kala dhexgaleen, oo guddi u saareen sidii caadada u ahayd. Guddigii loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan soo af-jarida khilaafka ayaa aakhrikii soo saaray 7 qodob oo nuxurkoodu ahaa. Kow, lama soo jeedin karo mooshin ku saabsan xil ka qaadis, ilaa inta ka horaysa wakhtiga uu xeerku u cayimay xil ka tegista musharaxa u tartamay jagada madaxwnaha. Laba, khaladaadkii ka dhacay xeerkii wax-ka-bedelka diiwaangelinta waxa masuuliyadeeda leh Cabdiraxmaan Cirro. Saddex, waxa khalad ahayd baajintii ku timid kal-fadhigii aan caadigi ahayn ee lagu ansixiyey guddiga doorashooyinka. Afar, waxa waajib ku ah Guddoomiyaha Wakiilada in uu xildhibaanda ku maamulo dhexdhexaadnimo. Iyo kuwa kale oo badan, oo dhammaan ka shaqaynaya maslaxada guud oo aan sharci qoran raacayn.
Markaa maxaa loo qiimo tirayaa distoorkii dalka iyo sharciyadii xisbiyadu dhexdooda u yaalay ee ay ku kala baxayeen?, maxaa sharciga loo qortay haddii aanu qabanayn kii khaldma?, una hiilinayn kii toosnaa?, goormaa se laga bixi dhexdhexaadinta Guurtida oo sharicga lagu kala bixi? Marna kama soo horjeedo dhexdhexaadinta Golaha Guurtidu ku dhameeyaan khilaafyada siyaasadeed ee dalka ka curto goor kasta iyo goob walba, balse waxa dhiiga inaga yareeyey oo wadnaha ina haya in mar kasta dhexdhexaadint lagu kala baxo, intay ina wadaysaa dhexdhexaadinta uu ilaahay (SWC) inooga sakhiray Golahan Guurtida? Waa weydiimo u yaala bulshada Soomaalilaan, si jawaab waafi ah loogu helo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *