Search

‘’Shaqsiyan Ma Jecli Xukunka Askariga Ah, Mana Jecli Dunida Sadexaad Nin Askari Ahi In Uu Madaxwayne Noqdo..’’Cali Guray.

Hargeysa(Foore) – Gudoomiye ku xigeenka saddexad ee xisbiga mucaaridka ah UCID mujaahid Cali Gurey oo qaar ka mid ah warbaahinta kula Hadley magaalada hargeysa ayaa waxaa uu ka Hadley loolanka ka dhex aloosan xisbiga kulmiye,Waxaa uu sheegay in xisbiga kulmiye loolankiisu uu sameyn ku leeyahay dalka iyo qaranka oo dhan isaga oo sabab uga dhigey in xukunkii dalkan uu gacanta ku hayo waxaana uu sidoo kale uu sheegay in dalka oo dhami uu u gardo duuban yahay kulmiye isla markaana ay haboon tahay in kulmiye dalka laga fardaamiyo.
Muj Cali Guray oo amuurahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ labadan sanno ee la kordhiyey ee waliba qasabka aheyd may aheyn muddo kordhin farsamo balse waxaa ay ahayed mid siyaasadeed, siyaasada ka danbeysana waxaa ay aheyd in kulmiye la siiyo wakhti uu ku soo helo musharaxiisa isla markaana kala jabka kaga yimada uu ka soo kabto .Waddanka oo dhami waa uuu afduuban yahay oo waa Kulmiye cidii doontaba ha ka soo baxdee waan ta na galineysa in aanu ka hadlo arinta xisbiga kulmiye oo aan aheyn xisbigayagii “ ayuu yidhi mujaahid Cali Gurey .
Sidoo kale mujaahid Cali Gurey oo hadalkiisa sii wata ayaa ka Hadley fikirkiisa khaaska ah ee ah cida xukunka dalku uu ku haboon yahay in hoogaanka dalka majaraha u qabto waxaana uu yidhi “ Aniga oo jabhada ah oo ay dagaalkaba heystaan waxaan ahaa Qoladii mutacalimiinta ahaa ee ay hangoolka labada farar ahaa iskaga hayeen kornaylo diid ayey ii bixiyeen shaqsiyan ma jecli xukunka askariga ah , askarigu waa amar waayo aragtida aynu u leenahay xukun askarina ma fiicna oo laba nin beynu soo aragnay waa siyaad barre iyo cabdilaahi yuusuf “.
Waxa kale oo uu yidhi isagoo Muuse Biixi la hadlaya “Muuse biixi askar nimo kuma tartaamayo ee waa tariikhdiisa laakiin kolay anigu shaqsiyan ma jecli dunida saddexaad in nin askri ahi xukumo waayo dalkaba cidi ka fur furi meyso “ ayuu hadalkiisa ku soo koobay mujaahid cali guray .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *