Search

Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Bishii Afraad Aan Wax Mushahar Ah Qaadan Iyo Dhaqaale Xumo Soo Foodsaartay Golahoda

Boorama (Foore)- Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Boorama ayaa laga soo wariyay inaanay bishii Afraad qaadan wax mushahar ah lacag la’aan soo foodsaartay awgeed, waxaana la sheegay in Qaabka loo maaraynayo arintaasi ay khilaaf hor leh ka dhex abuurtay Maayarka ama Duqa Boorama Saleebaan Xasan Xadi Iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha deegaanka Boorama.
Sida warkani nagu soo gaadhay Waxa ay arintani soo ifbaxday kadib markii uu Muran iyo isqab qabsi ka dhexdilaacay Maayarka Boorama Saleebaan Xasan xadi iyo Golaha Deegaanka Boorama kadib markii sida la sheegay uu Maayir Saleebaan uu Magaalada Hargeysa u yimid inuu ka qaato lacag amaan ah oo uu iskaga dabaro arimaha taagan Bangiga dhexe ee Somaliland,waxaana la sheegay in qaadashada lacagtaasi amaahda ay maayarka diideen inuu Baanka dhexe ee Somaliland ka qaato qaar ka mid ah Xildhibaanada Golihiisa kuwaasi sida la sheegay xidhiidh la soo sameeyay Bangiga dhexe ee Hargeysa. Sidoo kale waxa wararkan lagu sheegay in Maayar Saleebaan oo caawimaad ka helay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ramaax ay caqabad ku noqdeen qaar ka mid ah xildhibaanada golahaasi kuwaasi oo si toos ah Ramaax ugu cadeeyay in aanu wax xeer ah u lahayn in uu soo farogaliyo hawlaha dawlada Hoose taasi oo isna meesha ka saartay. Maayarka Magaalada Boorama Mudane Saleebaan Xasan xadi ayaa la daalaa dhacaya mushahar 4-bilood ah oo shaqaalaha dawlada hoose ee Booramas ka rabaan. Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Boorama ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhaqaalaha dawlada hoose ee Boorama ku filan yahay waxka qabashada baahiyaha yar yar ee gudaha ka jira iyo waliba Mashaariicaha yar yar ee degmada balse uu ragaadiyay maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ka dhexjira Xafiiska Maayarka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *