Search

SHALMADIHII MA LA QUBAY “HABLAW “ !!!!Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

Xaragada iyo isqurxintu waa tilmaamaha ilbaxnimada iyo horurmar qof ahaaneed iyo mid bulsheedba, waana arrin aad loo dhiirigaliyay iyadoo laga fogaanayo isla wayni iyo kibir. Halka nadaafaduna tahay hal kudhiga tilmaansado bulshada Islaamka ku abtirsata, taariikh gun dheerna u leh qaababka loo xaragoodo iyadoo ay weheliso isnadiifin joota ah laga soo bilaabo marka waagu hilaaco ilaa inta gabalku dumaayo. Isnadaafintaasina waxay socotaa wakhtiyo ku haboon sida marka lasoo tooso ama shaqda laga soo rawaxo iyo marka lasiiseexanaayo. Waxaana sigaara loo maydhaa dhamaan xubnaha xubnaha dibad yaalka ah 5 jeer oo min saddex jeera la maydhayo maalinkasta waxaynu u naqaanaa waysadda. Xidhashada dhar wacan oo qurxoon oo udug carfaaye leh waa tusaala yaasha nool ee aan ka dhaxalnay Nabigeenii udgoonaa Naxariis iyo amaani korkiisa ha ahaatee.
waxaana sii raaca sidda aayadaha quraanka ku cad “qaata dharkiina qurxoon marka aad masaajidka u jarmaadaysaan”. Sidaa daraadeed waxaan filayaa in xaragada iyo naddaafadu yihiin laba halbeeg oo lagu tilmaansan karo qofka muslimka ah meelkasta oo uu joogo iyo qoomiyadkastoo uu kasoo jeedo.Hadda waxaa waddanka ka hana qaaday barbaar qurxoon oo qayrkood hiigsanaaya qiimana ku leh aqoonta ay barteen mid maadiya iyo mid diiniyaba, waxaanad ka dheehan kartaa barkulamada bulsha wayntu ku kulanto xilliyada firaaqada ama farxadaha munaasibadaha waaweyn huwan iyagoo si layaableh u labisan xidhana dhar aad iswaydiinayso dalka miyaa la keenaa mise meelo kalay kasoo gattaan, waxa marag maddoona in dadka iyo dalkuba kasoo doogeen daggaalo iyo burburwayn oo ummada ku habsadday guyaal la soo dhaafay, taasi waxay keentay in dadku dareemaan nolol xiisoleh iyo xoriyad waafiya oo waddankoodii iyo callankaa Tawxiidka leh la hadhsanaayo. Sikastaba ha ahaatee waxaa ku ammaanan dhalin dhulkaada usoo huray naf iyo nafiis lan’a da’ahaa dhalinteena hadda jaaniska nabdoon ku barbaaray waxna ku bartay, halka kuwaa ka horeeyay loo diiday jiif iyo joogba kuna kaliftay in ay dagta qoriga saaraan dadkoodana ka xoreeyaan garmaqaatihii gumaadka ku suntanaa.
Haddaan usoo gundo dago dulucda qoraalka Labiska dhalan rogan (Dumaraw) waxaa muuqata haddaad dhex lugayso ama aad booqato goobaha wax laga barto gaar ahaan jaamacaddaha aad dareemayso in labiskii wax wayni iska baddalay, taasi oo tooshka ku ifinaysa in xidhashada xijaabku noqday naadir sii dabar go’aaya, halka guyaal lasoo marray uu ahaa huga ugu qurxoon ee ay qaateen hablaheena geesku, Xijaabka quruxdiisa shaaximan iyo xayndaabka xeradda asturnaantana u ahaa sumad lagaga sooco dumarwaynaha dunnida innagu la nool ee aynaan waddaagin Aaminsanaanta Rabbi Subxana Wattacaallaa iyo ajiibida Rashuulkeena Naxariis iyo Ammaan Dushiisa ha ahaato.
Waxa lagalay fuf nololeed dhalan roggan oo dhalaankeenii dhagihii laga qabsaday taasi oo keentay in Xattaa magacyaddoodii lalabaxo, gaar ahaan wiilasha halka hablihiina qayb u heleen in aysoo dheegtaan qaab xidhashada labiska dharka ee dumar ka laga dheehdo taxanayaasha filimada loo yaqaan Musalsalka iyo jilayaashooda oo ah bu’da ay kasoo butaacaan qaababka inna hafiyay maalmaha xafladaha la qabto. Taasi oo dadka qaarba si u fasirtaan balse laga siman yahay in wax wayni isbadalay dhinaca xidhashada darka ee gabdhaha wacyigan cusub la jaan qaaday, taasi oo daaqada ka saartay agab asturnaan habboonaa oo ay ugu caansanaayeen Shalmadihii iyo hilaabashadii hagoogtii sida wacan u shaqalanayd, waxaana jira dhalin marayar goorta ku duubta shaadhyar oo xaydana xijaab uyahay, waxaana dhaqanka soomalidu dhigayaa in aan intaa loo dhaafi Karin wax sifayn dumar.
Waxaa in baddan kusoo noqnoqday Siirada ama Taariikhda Islaamka guulihii iyo gobanimadii hablaheena muslimiinta ah, taasi oo aan dhalin bandani dhugan gaar ahaan marka laga haddlaayo yaa Islaamka ugu gacan waynaa taageeraddiisa , oo suadeeda ugu wayn ay lahaayeen Dumar. waxa dad badani xasuustaan Allaah raali ha ka noqdee Hooyaddii Islaamka Khaddiija oo sinaba uga bixi wayday Niyaddii Rasuulka Naxariis iyo Amaani Dushiisa ha ahaatee markii ay dhimatay, laguna suntay Sannadkii murugada, soo qaado ciddii u horaysay ee loo dhibo diinteena macaan ee deeqda Rabbi innagu soo gaadhay waxay ahayd Ummu Cammar oo Xaaskii Cammaar ibu Yaasir, Cummar Ibnu Khadaab oo hogaamintiisii taariikhyahanadu ku qarqoomeen waxaa sabbab u ahaa Islaamkiisa Gabdh wallaashiiya, Maalintii kaliya ee Saxaabadu ka yar dhaga adaygeen amarkii ahaa in halkaa la joogo lagu Xalaaloobo oo xajkii aan la tagayn, waxa dhacday in amarkaasi ay ka warareegeen iyagoo filaayay in Rasuulka Naxariis iyo Amaani dushiisa ha ahaatee uu wax ka badali doono go’aankiisa waxa uu la tashaday Umu Salama oo Hooyooyinkii Muslimiintaka mid ahayd, waxay ku talisay in Rasuulku Billaabo Ficilka ugu horeeya, markii ay arkeen, waxa dhacday in ay aad ugu dagdageen fullinta amarkaasi oo ay maddaxyadooda is wada dhaawici gaadheen, taasoo ahayd arrin aad ugu cuslayd Nabiigeena Naxariis iyo Amaani Dushiisa ha ahaatee, arrin aan hore iyo dib midna u dhicin.
sidaa darraadeed kaalinta dumarka waa mid bogag dahaba ku suntan, balse waxa innaga iyo Taariikhdeena kukala dhex jira warbaahinta galbeedka iyo waxay lugo ku qaadato, taasi waxay keentay in magaalada hargeysa iyo Barcelona si looga wadda sheekeeyo dhaqanka eryashada harraga loo yaqaan kubada, dhinaca kale dhar xidhasadu waxaa astaan lagu garto waxa uu qofku aaminsanyahay wakhtigaa uu joogo iyo cidda uu la dhacsanyahay habba kagga duwanaado mabda ahaan. In la is aturaa waa waajib sida sallaada oo kale waliba sallaada iyo is asturida waxa horreeya in aad is asturto rag iyo dumarba, waxa jira in galbeedku gabadha ka dhigteen aa’lad lagu xayaysiiyo badeecadaha ay soo saaraan, halka waddamada muslimiinta ah ee dumarka xaqooda sida saxda ah u filiya ay ka dhigto boqorad la meqaama boqoradda Ingiriiska, markaad dhugato habbmaamuuska u yaala Guriga buckingham palace ee ay daggan tahay boqoradaasi haddaan soogaabiyo dadka salaamaa iyadoo gacanteedu qaawantahay oo aan gashanayn marrada ay gacanta ku xidhato waa dad kooban, sida gabadha Muslimada ah, Maanta in hugga iyo haybada Allaah ku maamuusay ay iska qaadaan waa mid Subxaanalah, waxaan dareensanahay in ay jirto faham la’aan ballaadhan oo xagga xidhashada xijaabka ahi, eedeedda waxa leh oo aan saarayaa dadka wax tarbiyadeeya ama qaabilsan aadaabta, oo aan aasaaska barbilawga guriga iyo goobaha wax barasho ka dhigin mid bulshada lagu barbaariyo xidhashada xijaabka, kana gaabiya kaalintoodii iyadoo ay jiraan goobo si wacan oo wanaagsan loo dhiiri galiyo.
Guntii iyo gunaanadkii waxaa habboon oo hagaagsan marka hore in bulshada dhamaanteed la baro asturnaanta iyo miisaanka ay ku leedahay Diinteena Suuban iyo Suneheena sugan. Mar labadka waa in waa maxay xijaab si hufan loo qeexaa, oo culimadu kutubtooda la kala baxaan, waayo in la is asturo uun baa xijaab la yidhaahdaa waxaanan taa udaynayaa in ay sharaxaan culimadeena ooh ore iyo gadaalba aad u bayaamiyay balse laga dhigay dhago laydh u dalloola. Waxa iyana muhim ah in cullimadu xooga saaraan u dhawaansaha dhalinyadara oo goobkasta oo ay joogaan ugu taga oo si xikmadleh u gaadhsiiya, waxaana jira teed u dhaxeeya culimada iyo dhalinta. Oo goobaha ay ka jirto baahida diineed in loo sara kaco oo la sameeyo dood cilmiyeedyo gaadhsiisan heerka jaamacaddaha oo joogto ah si labadda dhanba u badbaadaan oo waajibkooda u guttaan.
Waana in sifiican loogu caddeeyaa xidhashada huga hagaagsan, iyo ka aanay diintu sinaba u ogollayn xidhashadiisa, keenina kara mararka qaarkood mashaakil soo jiidasho leh una horseedi kara boob nafeed oo hadda aad usoo battay baryahan dadkeenuna u yaqaanaan kufsiga. Ta saddexaad waa in da’yartu gaar ahaan hablaheenu qiimeeyaan taariikhda iyo waxyaabaha dunnidada ka dhacaaya iyo sidda ummaduhu u dhalan rogmaan marka dummarkoodu ay ku daydaan dumarka galbeedka, iyo waxyaabaha ay ka dhaxleen bulshooyinkii Islaamka ahaa ee dariiqooda Raacay, waxaan tusaale innoogu filan waddamada carrabta qaar kamida oo dumarkoodu xijbaabki iska tuuray oo markii hore ahaa in iskaddaa wax kale gabadha aan wajigeeda la arki jirin oo sinaba ayna uga tagi jirin halka manta marrayaan. Manta inyari xidhato oo Allaah u naxariistay mooyaane, taasina ay ka dhalatay dhibaatooyin Aakhiro iyo mid Adduunyaba. Waxa laga hayay Sheekh reer Kuwayd ah, “Qabsashaddii Saddaam Waxaa Nagaga Darran Qabsashada Maraykanka ee Maskadayadii” taasi oo uu si toosa ula jeeday dumarkii reer kuwayd oo hadda Qaawanaantu ay ka mid tahay nolosha caadiga ah sida aad ka daawan karto Tv yadooda.
Maadaama Allaah nimco badan ina siiyay oo sida dadka qaar ku jeesjeesaan Dalka nimcaa fadhida runtii way fadhidhaa, in aad aragtaana waxay ku xidhan tahay qaab fikirkaaga gaarka u ah qofkasta, sidaadaareed waa in aynu Nimcada ku xamdinnaa Nabadda iyo Amniga iyo Iimaanka, dad badan oo sannado ka hor Dawlado jira ahaa oo dunida laga qaddariyo maanta daadka raacay, sida Liibiya iyo Suuriya, waana tusaale nool waxa la yidhaa “Allaw ha’naga dhigin kuwa lagu Cibro qaato, ee naga dhig kuwa wax ku cibra qaata”. Waxa taariikhyahanadu guud ahaan bari iyo galbeed isku raacsan yihiin in xummaanta oo waddan ku baddataa ay tahay tusaale in ay dumayaan, waayo sida uu sheekh Almis Muxaadaraddiisa Dhibaatooyinka Dhalinta haysta ku sheegay waxa uu tusaale usoo qaatay markii uu qabsaday Hitler Fransiiska in uu hoggaamiyihii faransiisku Digool yidhi waar raggu inagmay hub badnayne dhalinteenaa tumanaysay halka heesuhu marayaana iskaga sheekayn mayno iyo astur la’aantu.
Akhlaaqda oo xummaata iyo in laga haddliwaayaa waxay keenaan cadhooyinka Rabi taasi oo saamaynt toosa ku leh dhamaan nolosha bulshadaasi. Waxaan Allaah innoo wayddiinayaa in uu dhalinta inoo wanaajiyo dhaamaantood.
Ahmed Ali Kaahin
ahmedckahin@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *