Search

“Shacbigu Wuu Ka Dheregsannaa Boobkii Kulmiye Ku Sameeyay Urur-Siyaasadeedkii XAQSOOR Ee Codkiisii La Dhacay”..Baashe Cabdi Godane

Hargeysa (Foore )- Mujaahid Baashe Cabdi Godane oo la dhashay Hogaamiyihii la dilay ee Ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxa uu sheegay in Shirkii shanaad Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee loogu cumaamaday Muuse Biixi Cabdi inuu ahaa Xaaran, isla markaana waxa uu xusay in la musuqmaasuqay Codadkii Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye).
Sidan waxa uu ku sheegay Baashe Cabdi Godane mar uu u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland,Waxaana Hadaladiisii Ka Mid ahaa“Waxaad la socotaan wixii innaga qabsadday Doorashooyinkii deegaanka ee kal horre iyo Caddaalad darraddii iyo faddeexadii ka dhacday, shacbigu wuu ka dheregsannaa boobkii qaawannaa ee Xisbiga kULMIYE ku sameeyay urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ee codkiisii la dhacay. Waxaad ka war qabtaan khilaafkii beryahanba ka dhex aloosnnaa Xisbiga KULMIYE ee labadda garab ka dhigay iyo siddii wax u dhaceen ilaa markii ugu dambaysay.”
Mujaahid Baashe Cabdi Godane ayaa waxa uu xaaran ku tilmaamay doorshadii lagu doortay Muuse Biixi waxaanu yidhi“Doorashaddii lagu doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici waxay ahayd Xaarraan iyo caddaalad-daro aan geedna loogu soo gaban, waxaad Warbaahinta kala socotaan in la musuq-maasuqay codadkii Wasiir Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo kartoonno la la soo baxay, waa arrin la yaab leh ayay ahayd, arrin laga xishooddo ayay ahayd, waxaan qarannimadda iyo wada-jirka Ummadda reer Somaliland ku fool-xun ayay ahayd, waxaanse qabbaa inaanay meel ku gaadhay boobkaa iyo xaaraantaasi ay walaaqdeen.”
“Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxaan leeyahay way ku seegtay midhkii kuu habboonnaa, waxay ahayd inaad dhex u noqoto Nimanka tartamaaya ee Xisbiga KULMIYE ka wada-tirsan, waadse garan wayday oo cid-baad dhinaca saartay, waanna dhaawac aad Xisbigii u gaysatay iyo godob aad gashay oo meel kuu taalla.”Ayuu yidhi Baashe Cabdi Godane.
Isaga oo hadalkiisa sii wataana waxa uu yidhi“Ninka shirkii golaha dhexe ee KULMIYE loogu cumaamaday ee Muuse Biixi Cabdi waxaan leeyahay markii lagu doortay-ba waxaad ku tidhi Ilmaaddeeraday guriyahooddda ayaan ugu tagayaa, horrenna waxaannu kaaga haynay anigoo wax dilli karra duco qaadan maayo, waxaan ku leeyahay reerkaad ka xoog-roonnaato waa loo wada joogi doonnaa ee wax-ba hala hadhin Muusow.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Baashe Cabdi Godane oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE iyo doorashadiisii ugu dambaysay ee Golaha dhexe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *